“Caloosha I Xanuuntay Markii Aan Ogaaday In Mbappe….” – Marco Verratti Oo Kaftan Ka Sameeyay Wararka Real Madrid La Xidhiidhinaya Mbappe

Khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Marco Verratti ayaa kaftan ka sameeyay wararka xiddiga kooxdiisa ee Kylian Mbappe sida weyn ula xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid.

Verratti ayaa ku kaftamay in markii uu usoo dhacay warka ah in Mbappe uu joogo magaalada Madrid dhawaan uu calool xanuun deg-deg ahi qabtay isaga oo maalin fasax ah ku jiray.

“Markii aan ku jiray maalintayda fasaxa ah waxaan arkay wargelin sheegaysa in Kylian uu joogo Madrid. Caloosha ayaa igu xanuuntay (Wuu qoslay)” ayuu yidhi Verratti.

“Ilaa uu mar dambe isagu igu yidhi ‘Ha werwerin waxaan u joogay fasax. Dhammaantayo waxaanu sugaynaa inaanu ogaano mustaqbalkiisa”.

23 sano jirkaas ayaa sanadahan ugu dambeeyay noqday mid kamida xiddigaha ugu fiican dunida isaga oo xilli ciyaareedkan 36 gool iyo 26 caawimo ka sameeyay tartamada oo dhan.

Mbappe ayaa mudo dheer lala xidhiidhinayay heshiis uu ugu wareegayo Real Madrid oo xiisaynaysay mudo dheer xilli heshiiska uu ku joogo gegida Parc des Princes uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa 170 Milyan oo euro inay kaga iibiso Los Blancos diiday xagaagii hore balse maalmaha soo socda oo uu go’aankiisa kama dambaysta ah shaacin doono ayay macquul tahay inay si bilaash ah ku waayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*