CAJIIB: Guuldarradii Saudi Arabia Oo Argentina Farxad U Ah & Sababta Ay U Caawin Karto

Shalay waxa dhacay mid kamida kulamada ugu layaabka badan taariikhda kubadda cagta iyadoo xulka Saudi Arabia oo qiimaynta FIFA booska 51-aad kaga jiraa guuldarro 2-1 ah baday Argentina oo kamida xulalka koobka aduunka ugu cad cad.

Kooxda macalin Lionel Scaloni ayaa kulankaas galay iyagoo 36 kulan oo xidhiidh ah guuldarro la’aan ah balse goolal ay dhaliyeen Saleh Al Shehri iyo Salem Al Dawsari ayaa rekoodhkaas lagaga soo afmeeray.

Guuldarradaas ayaa shaki galinaysa qaabka ay Group-ka kaga baxayso Argentina walow ay farxad u tahay in Poland iyo Mexico xalay barbardhac galeen.

Si kastaba, qaar kamida jamaahiirta kubadda cagta ayaa barta Twitter-ka kaga kaftamay in Argentina ulakac u guuldarraysteen oo ay guuldarradani faa’ido gadaal uga noqon karto.

Dadka ayaa qaba inay Argentina u fiican tahay inay booska labaad kaga baxaan Group-ka si aysan wareegyada dambe iskugu arag Brazil haddii Selecao Group-kooda booska koowaad kaga baxaan.

Haddii Argentina Group C booska koowaad kaga baxdo isla markaana Brazil Group G booska koowaad kaga baxdo ayay labada xul ku kulmi doonaan wareega afar dhammaadka haddii aan inta ka horreysa midkood la reebin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*