CAJIIB: Amiirada Boqortooyada Spain Oo JACAYL U Qaaday Gavi & Sida Lagu Ogaaday!!

Sida lagu sheegay warbixino ka imanaya dalka Spain, amiirada boqortooyada dalkaas ee Leonor ayaa ah mid la dhacsan khadka dhexe ee xulka Spain iyo kooxda Barcelona ee Gavi.

Gavi ayaa ahaa mid dad badan oo kubadda cagta ku xidhan soo jiidanayay mudada sanadka ah ee uu saaxada sarre ka dheelayay, wacdarihiisa ayaa u muuqda mid galay guriga boqortooyada Spain.

Wargeyska Diario AS ayaa sheegaya in Pablo Gavi ay la dhacsan tahay oo uu soo jiitay Princess Leonor isla markaana xogtoodu ay sheegayso inay sawirradiisa ku haysato buugeeda xog ururinta ee dugsiga ay dhigato (Folder Book).

Amiirad Leonor ayaa dhigata dugsiga Atlantic School oo ku yaala Glamorgan, Wales isla markaana ay dhigtaan carruuro badan oo qoysas boqortooyo kasoo jeedaa.

Aabaheed oo ah boqorka Spain, Felipe The Sixth ayaa haatan ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar halkaas oo uu xulka Spain ku dhiirigelinayo iyadoo ay xataa kulmeen Gavi.

Gavi ayaa boqorka Spain u saxeexay garan aan ahayn midka da’yarkaasi xidhnaa waxaana ay saxaafadu u qaadatay inuu yahay mid uu ugu talo galay aabaheed inantiisa 17 sano jirka ah.

Image

Image

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*