CAJIIB: Alisson Oo Xiddig Lama Filaan Ah U Doortay Midka Uu Aadka Ugu Aamino Baaska Asxaabtiisa Liverpool

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa doortay xiddiga kooxdiisa ka tirsan ee uu kalsoonida ugu weyn ku qabo marka uu kubadda u baasayo.

29 sano jirkaas ayaa arrimahaas kaga hadlay dhokumentari dhawaan lasoo daayay isaga oo shaqsigaas uu kubadda aadka ugu aamino u doortay kabtanka kooxda ee Jordan Henderson.

Dabcan waa doorasho layaab leh marka aad eegto inay uga soo dhaw yihiin daafacyada ay kamidka yihiin Virgil Van Dijk iyo Alexander-Arnold oo labaduba baas ahaan aad u fiican sidoo kalena uu Henderson khadka dhexe la joogo Thiago Alcantara oo baaska macalin ku ahi.

Shabaq-ilaaliyaha ree Brazil ayaa yidhi “Isaga in badan ayaan eegaa maadaama oo uu dhab ahaan yahay mid laga dhex arki karo garoonka, qaabka uu u dhaqaaqo, isagu dhab ahaana waa qof kooxda u orda”.

“Maadaama oo aanu haysano koox jecel in kubadda xaga dambe laga soo dhiso waxaanu u baahanahay in xiddigaha khadka dhexe ay dookhyo ku siiyaan”.

“Aniga ahaan Hendo wuxuu ii yahay ciyaaryahan aan eego marka aan kubadda soo dhisayo, isagu markasta doorasho ayuu ku siinayaa xataa haddii uu nin ka dambeeyo sidaas darteed anigu dhab ahaan kubadda waan ku aaminaa kaddibna waxkasta oo uu awoodo ayuu samaynayaa wuuna awoodaa”.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*