Bruno Fernandes Oo Jabiyey Derbiga Aamusnaanta Kana Hadlay Mustaqbalka Cristiano Ronaldo Ee Shakigu Ku Jiro

Bruno Fernandes ayaa isku dayaya inuu biyo qabow ku shubo mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Old Trafford ee shakiga la gelinayo, kaas oo usbuucyadii ugu dambeeyey la sheegayay inuu ka tegayo Old Trafford oo uu 12 bilood oo kaliya ku qaatay laba sannadood oo uu xagaagii tegay u saxeexay.

Cristiano Ronaldo oo 24 gool u dhaliyey Manchester United xilli ciyaareedkii tegay ayaa waxa la sheegay in uu saluugsan yahay heerka tayada kooxda oo kaalinta lixaad ku dhamaysatay xilli ciyaareedkii tegay, taas oo ka maqnaan doona Champions League xilli ciyaareedkan.

37 jirkan ayaa la rumaysan yahay in aanu doonayn inuu ka ciyaaro Europa League oo uu markii ugu horreysay muddo 20 sannadood ah ka maqnaado Champions League oo laga soo bilaabo 2003 uu sannad walba si joogto ah uga soo ciyaarayay.

Bayern Munich ayaa la sheegay inay danaynayso Ronaldo si uu ugu beddelo Robert Lewandowski oo ku riixaya inay ka iibiyaan Barcelona, hase yeeshee labada kooxood ee kale ee Chelsea iyo Sporting Lisbon ayaan iyagana meesha  laga saarin.

Manchester United oo qaar ka  mid ah ciyaartoydeedu ay Isniintii kusoo laabteen tababarka ayaa waxay inta hadhsanayd ay iyaguna kusoo laabanayaan Sabtida, waxaana la filayaa in Ronaldo uu ka mid  noqdo laacibiinta maalin kaddib lagu soo dhoweynayo Carrington.

Bruno Fernandes oo isaguna ka  mid ah ciyaartoyda aan wali kusoo noqon tababarka ayaa waxa laga weydiiyey Cristiano Ronaldo iyo wararka sheegaya inay suurtogal tahay inuu ka tago kooxda xagaagan, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan rajaynayaa in Cristiano Ronaldo uu Isniinta iman doono tababarka, waxaanu ka mid yahay ciyaartoyda ugu dambaynaysa ee tababarka imanaysa maadaama uu ciyaarihii caalamiga ahaa u saftay Portugal oo uu waqti dambe fasaxa galay. Ma jiraan wax intaa ka badan oo aan sugayo.

“Ma jiraan wax dheeraad ah oo aan ka ogahay mustaqbalka Ronaldo, laakiin cid walba iyada ayaa og mustaqbalkeeda, mana rumaysni in kooxdu ay doonayso inay ciyaartoy leh qiimaha Cristiano.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*