Brazil Oo Guul Ku Bilaabatay Koobka Adduunka, Richarlison Oo Laba Gool Ku Dilay Serbia & Dhaawacyadii Ka Nixiyey Tite

Xulka qaranka Brazil ayaa guul raaxo leh ku furtay Koobka Adduunka ee sannadkan 2022, waxaanay 2-0 ku garaaceen Serbia oo qaybtii dambe ay ku khaarajiyeen laba gool oo aad u qurux badnaa oo uu saxeexay Richarlison.

Brazil oo ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo Koobka Adduunka ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta, iyadoo tababare Tite uu kusoo galay shax afar weerar ah ay hoggaaminayaan, laba xiddig oo kali ahna taagnaayeen.

Richarlison ayaa furay gool-dhalinta ciyaarta daqiiqaddii 62aad, markaas oo kubbad uu Neymar Jr kasoo shaqeeyey oo uu darsin difaacyahanno ah ku silciyey xerada ganaaxa uu ka qaatay Vinicius Junior oo ku toogtay goolka, waxaase markii laga badbaadiyey ay dib ugu soo noqotay Richarlison oo shabaqa ku hubsaday.

Toban daqiiqadood kaddib ayuu Richarlison hoggaanka usii dheereeyey xulkiisa Brazil oo uu dhaliyey goolka  labaad ee ciyaarta. Vinicius Junior ayaa kubbad uu ka keenay garabka bidix waxa uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Richarlison oo isaguna maamulay ka hor intii aanu maqas iskula laba-rogin ee aanu shabaqa ku luxin.

Casemiro ayaa birta ku garaacay darbad xoog badnayd  oo uu dhaafiyey goolhayaha, hase yeeshee Gabriel Jesus iyo Rodrygo Goes oo beddel kusoo galay ayaa iyagana uu nasiibku diiday.

Garabka midig ee weerarka Brazil ee Raphinha ayuu goolku iska diiday dhawr jeer, waxaana uu laacibkani kubbad aanay cidina ku wehelinayn la hor tegay goolka oo uu si yar oo fudud iskugu dayey inuu uga hoos bixiyo Vanja Milinkovic-Savic, balse waa laga qabtay inkasta oo dhayalsani badan uu ka muuqday Raphinha.

Vinicius Junior ayaa qaybta hore waxa goolka hortiisa loo dhigay kubbad uu goolhaye Vanja Milinkovic-Savic kusoo baxay oo uu ka badbaadiyey, balse waxa uu siibtay isaga oo goolka ku tooganaya fursad kale oo dahabi ahayd.

Neymar Jr ayaa ciyaarta ku dhamaystay dhaawac uu ku baxay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, sidoo kalena Danilo ayaa uu dhaawac soo gaadhay oo xataa awoodi waayey inuu ordo garoonka dhaxdiisa inkasta oo uu Tite diiday inuu beddelo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Brazil, waxaanay hoggaanka u qabatay Group G oo ay ku wehelinayaan Switzerland oo ay isku dhibco yihiin balse hal gool ka dambaysa iyo Cameroon oo aan wax dhibco ah lahayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*