Borussia Dortmund Oo U Sheegtay Real Madrid, Chelsea Iyo Liverpool Qiimaha Kaliya Ee Ay Kaga Samrayso Jude Bellingham

Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayaa kooxaha xiisaynaya da’yarkeeda khadka dhexe ee Jude Bellingham u sheegtay qiimaha kaliya ee ay ku iibin karto.

Jude oo shalay 19 sano jirsaday ayuu heshiiskiisa Dortmund yahay mid saddex sano ka hadheen, suuqa xagaaga dambe ee 2023 ayaa la filayaa inay ku loolami doonaan kooxo laga magacaabi karo Real Madrid, Chelsea iyo Liverpool.

Sida uu sheegayo wargeyska Bild, Dortmund ayaa hadda ku wargelisay kooxaha damacu kaga jiro saxeexa Bellingham in 120 Milyan oo euro uu yahay qiimaha ugu hooseeya ee ay ku iibin doonaan.

Iyadoo heshiiskiisu yahay mid uusan jirin qiimo go’an oo lagu jabin karo sidii midkii Erling Haaland ayay Dortmund awoodaa inay gacanta sarre ee wadahadalada yeelato oo ay yeedhiso waxa ay doonayso.

Bellingham ayaa 10 gool iyo 18 caawimo usoo sameeyay kooxdiisa 89 kulan oo uu usoo ciyaaray tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxdiisii carruurnimo ee Birmingham City sanadkii 2020.

Liverpool iyo tababare Jurgen Klopp ayaa iyagu u arka bartilmaameedkooda koowaad ee khadka dhexe Bellingham marka laga yimaado qiimaha sarre ee Dortmund doonayso.

Waraysi uu bixiyay bishii hore ayuu Bellingham ku xaqiijiyay inuu ugu yaraan xilli ciyaareed kale hubaal sii joogayo Dortmund taas oo meesha ka saaraysa kooxaha doonaya inay xagaagan la wareegaan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*