“Barcelona Wakhtigii Hore Ayay Wali Ku Nooshahay, Kubadda Cagtu Way Isbedeshay……Anigu Lewandowski Lama Soo Saxeexdeen!!”

Barcelona waxay dhibane u tahay riyo iyo inay wali ku nooshahay wakhtigii tagay iyo qaabkii markaas kubadda cagta guulaha lagu gaadhi jiray, waxa sidaas qaba macalinkii hore ee kooxdaas ee Ronald Koeman oo dhaliilay hab ciyaareedka tababaraha bedelay ee Xavi Hernandez.

Intuu uu Barcelona tababaraha ka ahaa, Koeman ayaa isku dayay shax ciyaareedyo kala duwan waxaana kamid ahayd mida shanta daafac oo ay dad badani ku dhaliileen inay difaacasho badan ku salaysan tahay.

Koeman ayaan aragtidaas qabin waxaana uu aaminsan yahay in shaxda saddexda daafac dhexe ay ka caawisay inay kubaddii ugu fiicnayd ciyaaraan oo ay qabsadaan kulamada.

“Anigu waxaan doorbidayaa inaan kulanka qabsado, haddii aad ku ciyaarto saddex daafac dhexe iyo shan daafac, ma odhan kartid waa hab difaaceed” ayuu yidhi Ronald.

“Qaabkaas ayaanu saddex ama afar bilood kubaddii ugu fiicnayd ku ciyaarnay, tusaalaha ugu cadi waa Finalkii aanu la ciyaarnay Athletic Bilbao”.

“Barca waxay ku nooshahay wakhtigii tagay, shaxdii 4-3-3, habkii Tiki-Taka. Kubadda cagtu way isbedeshay, haatan sidii hore way ka xawaare badantahay, jidh ahaan way ka awood badantahay, wakhtiga tagay kuma noolaan kartid”.

Dhinaca kale Koeman ayaa su’aal ka keenay xiisaha Barca ee Lewandowski waxaana uu yidhi “Waa 35 sano jir, su’aalo ayaan ka qabaa inaan 50 ama 60 Milyan ku bixiyo oo mushaharkiisu dheer yahay”.

“Malaha laba sano ayaa heshiiskiisa ka hadhsan, shakiyo badan ayaan ka qabi lahaa saxeexiisa amaba lama saxeexdeen”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*