Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa samaynaysa isku-daygii ugu dambeeyey ee ay kaga faa’iidaysanayso suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January oo caawa saqda dhexe xidhmi doona, waxaanay lagu soo warramayaa in Xavi Hernandez uu u dhaqaaqay saxeexa xiddig wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka Qatar oo uu doonayo inuu safkiisa ku xoojiyo.
Wariyaha ciyaaraha ee Achraf Ben Ayad oo ka tirsan telefishanka beIN SPORTS ayaa helay xogta Barcelona ee daqiiqadaha ugu dambeeya suuqa iibka ciyaartoyda, taas oo muujinaysa in Xavi ay ka go’an tahay inuu helo xiddiga khadka dhexe ee reer Morocco ee Sofyan Amrabat.
Barcelona oo ay haysato dhibaato dhaqaale xumo, isla markaana ku guul-darraysatay in LaLiga uu u diiwaangeliyo heshiisyadii cusbaa ee Gavi, Ronald Araujo iyo Marcos Alonso ayaa waxay isku dayaysaa inay ciyaarto dheeshii ugu dambaysay ee ay kaga baxsan lahayd xakamaha dhaqaale.
Barca oo bishan January lacag gaadhaysa €3 milyan oo Gini ku iibisay xiddiga reer Netherlands ee Memphis Depay oo u wareegay Atletico Madrid, ayaa waxay isku dayaysaa in ay gacanta ku dhigto Amrabat si uu u noqdo beddelka Sergio Busquets oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Wariye Achraf Ben Ayad waxa uu xaqiijiyey, in aanay wali Barcelona wada-hadallo toos ah la yeelanin Fiorentina oo uu laacibkani u ciyaaro, balse ay saacadaha kooban ee ka hadhay suuqa ay samayn doonto dedaal dheeraad ah.
Be the first to comment