Barcelona Oo Ku Wargelisay Qaar Ka Mid Ah Ciyaartoydeeda In Aanay Tababarka Iman Karin

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku wargelisay qaar ka mdi ah ciyaaartoydeeda in aan loo baahnayn inay kusoo laabtaan garoonka tababarka, xilli ay kooxdu bilaabayso inay tababarka isku-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ay bilaabaan.

Tababare Xavi Hernandez ayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey ka hor intii aanay ciyaartoydiisu fasaxa gelin, waxa uu dhawr ciyaartoy ugu sheegay inay iskaga tegi karaan Camp Nou xagaagan, laakiin illaa hadda ma jiraan laacibiin ka baxay kooxdaas.

Barcelona ayaa waxay tababarka bilaabi doontaa Isniinta foodda inagu soo haysa ee ay taariikhdu tahay July 4, waxaanay waqtigaas ka  hor doonayaan in ay iska baxaan dersin xiddigaheeda kooxda koowaad ah.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay, in afarta ciyaartoy ee Oscar Mingueza, Riquie Puig, Samuel Umtiti iyo Martin Braithwaite loo sheegay in aanay imanin tababarka oo aan looga baahnayn inay yimaaddaan garoonka, isla markaana aanay ku jirin qorshaha xilli ciyaarkan, taas oo ka dhigan in aanay qayb ka noqon doonin safarka ay kooxdaasi ku tegi doonto bisha July.

Weeraryahanka reer Denmark ee Martin Braithwaite ayaa kusoo laabtay tababarka kaddib waqti dheer oo uu dhaawac ku maqnaa, waxaase uu la kulmay caqabad ah in aan laga doonayn Camp Nou oo intii uu maqnaa ay yimaaddeen Ferran Torres iyo Aubameyang, sidoo kalena la filayo inuu yimaaddo Robert Lewandowski.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*