Barcelona Oo Dalabkii SADDEXAAD Ka Gudbinaysa Robert Lewandowski & Faah-Faahintiisa

Sida uu sheegayo wargeyska Poland laga leeyahay ee Meczyki, Barcelona ayaa 24-ka saacadood ee soo socda dalabkii saddexaad ka gudbin karta weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Lewandowski ayuu heshiiskiisu yahay mid hal sano ka hadhay isaga oo toos u caddeeyay inuu bixitaan doonayo oo uusan wax heshiis kordhin ah u samayn doonin Bavaria.

Kooxda Premier League ka ciyaarta ee Chelsea ayaa kamid ah kooxaha xiisaynaya balse xiddiga Polish-ka ah ayaa qalbiga gashaday oo ku talo-galay inuu xilli ciyaareedka dambe metelo Barcelona.

Saxafi Florian Plettenberg ayaa bishii hore shaaciyay in Lewy uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barcelona balse kooxdaasi ayaa ku dhibtootay inay heshiis la gaadho Bayern Munich.

Barca ayaa laba dalab oo ay ka gudbisay 33 sano jirkaas laga soo diiday balse wali isma aysan dhiibin waxaana ay haatan diyaarinayaan dalabkii saddexaad.

Kooxda uu hormoodka u yahay macalin Xavi Hernandez ayuu dalabkeeda saddexaad yahay 40 Milyan oo euro oo gaadhi kara 50-ka Milyan ee ay Bayern doonayso marka lagu daro gunnooyinka shuruudaha ku xidhan.

Iyadoo heshiiskaasi isku gayn uu gaadhayo qiimaha ay Bayern doonaysay ayaa la eegi doonaa haddii ay aqbalaan 10-ka Milyan ee euro ee shuruudaha ku xidhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*