“Barcelona Ayaa Isoo Wacday Laakiin….” – Antonio Rudiger Oo Ka Warramay Xiisihii Barca Iyo Go’aankiisii Cadaa

Daafaca cusub ee kooxda Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa ka warramay xidhiidhkii uu ka helay kooxda haatan la xifaaltankeeda bilaabayo ee Barcelona oo doonaysay inay la saxeexato.

Rudiger ayaa noqonaya saxeexii labaad ee ay durba suuqan samaysay Madrid kaddib Aurelien Tchouameni iyaga oo iska soo xoojinaya safkii ay ugu soo guuleysteen Champions League.

Rudi ayaa sheegay inuu wicitaan ka helay Barcelona balse uu walaalkii oo sidoo kale ah wakiilkiisa u sheegay inuu kaliya Real Madrid doonayo.

“Waxa jiray wicitaan ka yimid Barcelona balse waxaan u sheegay wakiilkayga inay ama Real Madrid ama wax la’aan tahay” ayuu shirkii jaraa’id ee shalay lagu soo bandhigay ku yidhi Toni Rudiger.

Dhinaca kale daafaca ree Germany ayaa sheegay in wakiilkiisu uu xidhiidh la sameeyay Los Blancos bishii sagaalaad ee sanadkii hore isla markaana isaga qudhiisu la hadlay macalin Carlo Ancelotti bishii afraad.

“Markii ugu horreysay ee aan lasoo xidhiidhay kooxda aniga ma ahayn balse wakiilkaygu waxay ahayd horraantii September markii iigu horreysay”.

“Markii labaad waxay ahayd markii aan Ancelotti la hadlay bishii April, waxaan filayaa inay ahayd markii ugu muhiimsanayd, inaan la hadlo Ancelotti kaddib waxaan gaadhay go’aanka ah inaan kooxda isaga kaga hoos ciyaaro”.

Ugu dambayn, Antonio ayaa sheegay inuu Final-kii Champions League ee Real Madrid v Liverpool isagu taageerayay Madrid maadaama oo uu sii ogaa inuu kusoo biirayo.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*