Avram Glazer Oo Sharraxay Go’aanka Ay Ku Xaraashayaan Manchester United

Avram Glazer oo ka mid ah saamiileyaasha iska leh Manchester United ayaa ka hadlay go’aanka ay ku gaadheen in ay iibiyaan kooxdaas oo hadda taalla suuqa, isla markaana ay danaynayaan maalqabeenno badan oo dunida.

Salaasadii ayay qoyska reer Glazer shaaciyeen inay beddeleen istaraatiijadii ay fursadaha ugu abuurayeen kooxda, sidaas darteedna ay go’aamiyeen inay iibiyaan maadaama ay yihiin mulkiileyaasha dhabta ah marka laga eego saamiga ay ku leeyihiin Red Devils.

17 sannadood oo ay qoyska reer Glazer mulkiileyaal ka ahaayeen Manchester United oo ay marar badan la kulmeen mudaharaadyo ay taageereyaasu kaga soo horjeedaan ayaa waxa ugu dambayntii ay go’aansadeen in ay iibiyaan, waxaana go’aankaas sharraxaad ka bixiyey Avram Glazer oo xalay waraysi siiyey telefishanka Sky News isaga oo ku sugan gobolka Florida ee waddanka Maraykanka.

62 jirkan oo la weydiiyey sababta keentay in ay go’aansadaan in ay iibiyaan kooxda waqtigan ayaa ku jawaabay: “Sidii aanu shalayba shaacinay, boodhka maamula kooxdu wuxuu wadaa hawl, waxaana uu go’aamiyey istaraatiijiyado cusub oo kooxda isbeddel loogu samaynayo. Dookhyada ayay ka mid ahayd arrintani, waana in si ka duwan sidii hore wax loo maamulo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay in qoys ahaan ay go’aan ku gaadheen inay iibiyaan Manchester United, qorshuhuna yahay in ay doonayaan in ay fursado u abuuraan kooxda.

Maalqabeenno badan ayaa la sheegay in ay doonayaan inay iibsadaan Manchester United, waxaana ka mid ah Sir Jim Ractliffe oo ah maalqabeenka ugu taajirsan guud ahaan UK, hase yeeshee waxa iyagana la hadal hayaa shirkadda Apple oo iyadana la sheegay in danaynayso iibka Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*