Xulka qaranka Morocco ayaa iska xaadiriyey wareegga 16ka tartanka qaramada Afrika kaddib markii ay xaqiijisteen guushoodii labaad oo ay maanta ka gaadheen Comoros oo ay 2-0 ku garaaceen.
Selim Amallah ayaa kubbad qunyar socota hoggaanka ugu dhiibay Moroco ka hor intii aanu daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta goolka labaad u keenin Zakaria Aboukhlal, sidaas ayaanay ku heleen lix dhibcood iyagoo durduro kaga soo booday Group C.
Morocco ayaa u qalmaysay inay tirada goolasha intaas kasii badsato, waxaana rikoodhe ka khasaariyey Youssef En-Nesyri, halka uu fursado badanna ka badbaadiyey goolhayaha Comoros ee Salim Ben Boina oo bandhig heersare ah ka sameeyey garoonka.
Xulka Morocco ayaa noqday dalka illaa haatan kasoo baxay Group C, waxaana la sugayaa inay soo kala adkaadaan saddexda dal ee Gabon oo kaalinta labaad ku haysata afar dhibcood iyo Ghana & Comoros oo min hal dhibic ka haysta min labadii ciyaarood ee ay dheeleen.
Dhinaca kale, labada xul ee Senegal iyo Guinea ayaa galay barbarro goolal la’aan ah. Ciyaar qurux badan oo ay labada wadan ku xafiiltameen ayaa waxay natiijadeedu saamaxday inay Senegal iyo Guinea ugu soo gudbnaan wareegga 16ka tartanka qaramada Afrika.
Guinea ayaa qaybtii hore heshay fursadda kaliya ee ay gool ugu dhowaaqay markaas oo uu Seny Diegn badbaadiyey kubbad joog hoose ku socotay oo ka timid Morgan Guilavogui.
Senegal ayaa gacanta sare lahayd oo waqti horeba u dhowaatay inay hoggaanka ciyaarta ku qabato kubbad madax ahayd oo uu Abdou Diallo u dhiibay Aly Keita.
Labada xul ayaa min afar dhibcood ka helay min labadii ciyaarood ee ay dheeleen, waxaanay taasi u xaqiijisay inay kasoo gudbaan Group B oo la filayo inay saddex dal ka yimaaddaan.
Malawi oo waqti dambe 1-0 kaga adkaatay Zimbabwe ayaa saddex dhibcood haysata, waxaanay noqon kartaa waddanka saddexaad ee kasoo baxa hormadan.
Sida uu sharcigu dhigayo, Group walba waxa kasoo baxaya oo wareegga 16ka usoo gudbaya min labada waddan ee ugu dhibcaha badan, taas oo dalalka soo gudbaya ka dhigaysa 12, waxaana loo baahanayaa in lagu soo daro afar dal oo noqonaya kuwa dhibcaha ugu badan haysta ee kaalmaha saddexaad kaga dhamaysta hormooyinkooda.
Xulka qaranka Gabon ayaa war aan fiicnayn ka helay xaaladda caafimaadka ee kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang oo u jiifa Fayraska Korona.
Xiddiga Arsenal ayaa uu ku dhacay Fayrasku har intii aanu bilaabmin tartanka qaramada Afrika, waxaana uu xanuunkaasi ku keenay in wadnihiisa ay dhibaato gaadho.
Garaaca wadnaha Aubemayang ayaa la sheegay in aanu sidii caadiga ah ahayn, waxaana laga joojiyey inuu ciyaaro caawa ee Ghana ay barbarraha 1-1 ah la galeen.
Be the first to comment