Arsenal Oo Xiddig Premier League Ah Oo Aanay Cidina Filayn La Saxeexanaysa

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u dhaqaaqday saxeexa xiddig Premier League ka ciyaara oo aanay cidina filaynin in uu Mikel Arteta waqtigan isku dayi doono inuu la saxeexdo, kaas oo ay ku tartamayaan kooxda uu Sucuudigu lacagta la daba-taagan yahay ee Newcastle United, laakiin ay sidoo kale danaynayso Chelsea.

Arsenal oo hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa shan dhibcood oo nadiif ah iyo ciyaar baaqi u ah, ayaa waxay bishan January la saxeexatay labada ciyaartoy ee Leandro Trossard iyo Jakub Kiwior, waxaana sidoo kale lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo kale oo uu danaynayo Mikel Arteta.

Sida ay sheegtay wariyaha reer Belgium ee Sacha Tavolieri oo inta badan ka warranta suuqa iibka ciyaartoyda, Arsenal ayaa waxay doonaysaa inay la saxeexato laacibka khadka dhexe uga ciyaara Everton ee Amadou Onana oo aan ku jirin liiska ciyaartoydii lagu fikirayay in ay Arsenal isku dayayso inay la saxeexato.

Tavolieri ayaa waxay ku tilmantay Onana ‘in uu yahay lama filaan’ ay qabteen indhaha Arsenal, laakiin ay adag tahay sida ay kooxdiisa Everton ku bixiso inkasta oo ay saamayn ku yeelan karto xaaladda adag ee ay kooxdaasi ku jirto oo kaalinta 19aad kaga jirta miiska kala-sarraynta, shalayna shaqada ka caydhisay tababare Frank Lampard.

Onana oo ay Everton xagaagii tegay £33 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Lille ayaa la sheegay in aanay macquul ahayn in uu bishan January ka tago kooxda uu dhawrka bilood ee kaliya la joogay, waxaase uu Mikel Arteta ku riixayaa Edu inuu ka shaqeeyo sidii uu laacibkani ku imana lahaa Emirates Stadium, si uu u noqdo beddelka Thomas Partey haddii uu dhaawac soo gaadho.

21 jirkan ayaa waxa uu diiradda Arsenal soo gelayaa iyadoo Gunners lala xidhiidhinayo xiddiga reer England ee Declan Rice oo ay kooxdiisa West Ham ku jirto xilli-ciyaareedkii ugu xumaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*