Arsenal Oo Guul Ku Aftaxday Horyaalka Premier League, Bukayo Saka Oo Wacdaro Dhigay Iyo Arteta Oo Saddex Dhibcood Ka Xoogay

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ay u qalmaysay ku furatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub ee 2022-23, kaddib markii ay 2-0 kusoo garaaceen Crystal Palace oo ay marti ugu ahaayeen Selhurst Park.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ayaa Arsenal siisyey guul bilow fiican ah oo ay kusoo gaadheen garoon ay marti ku ahaayeen, halka Crystal Palace ay iska khasaarisay fursado badan oo ay heshay labadii qaybood ee ciyaarta.

Kubbad koorne ahayd oo uu Bukayo Saka kasoo qaaday dhinaca midig ayay difaaca Palace madax iskaga saareen, waxaase dib usoo celiyey Oleksanr Zinchenko oo soo hidheeyey, waxaana madax kale ku dhamaystiray Martinelli oo daqiiqaddii 20aad u dabbaal-degay goolka furitaanka ee ciyaarta.

Dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Arsenal heshay gool labaad oo uu darbo xooggan ku dhaliyey Bukayo Saka oo dhinaca midig kubadda kala soo galay, lugta midigna ku weydaariyey goolhaye Vicente Guaita oo ay habeen madow u ahayd.

Fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta waxa heshay Crystal Palace oo bilowgii ciyaarta baas qurux badan oo uu Doucoure u dhigay Zaha uu la galay xerada ganaaxa kaddibna uu kubadda dhinac ka mariyey birta.

Arsenal ayaa jawaab degdeg ah bixisay daqiiqaddii siddeedaad ee bilowga ciyaarta, waxaana kubbad uu khadka dhexe ka tuuray Martin Odegaard dhinaca bidix ka helay Zinchenko oo darbo xooggan ku toogtay goolka Crystal Palace, hase yeeshee waxa diyaar usii ahaa Guaita oo labada gacamood iskaga difaacay kubaddaas.

Qaybta hore oo ay Arsenal ku wanaagsanayd kubadda ayay labada kooxood in muddo ah ku dagaallameen khadka dhexe, iyadoo Gabriel Jesus uu si fudud kusoo gelayay xerada ganaaxa ee Crystal Palace.

Daqiiqaddii 20aad ayay Arsenal u dabbaal-degtay goolka koowaad oo uu madax ku dhamaystiray Gabriel Martinelli kaddib kubbad uu ka helay Zinchenko oo madax kusoo dhaafiyey dersin ciyaartooyo ah.

Dhamaadka qaybta hore ayay Crystal Palace la wareegtay maamulka ciyaarta, waxaanay heleen fursad uu ka khasaariyey Ayew oo kubadda la galay xerada ganaaxa balse waxa ka diiday inuu shabaqa gaadhsiiyo William Saliba oo bandhig heersare ah muujiyey.

Gabriel Jesus ayaa lumiyey fursad dahabi ahayd oo lagu tilmaami karo middigii ugu fiicnayd ee ciyaarta soo martay, waxaana kubbad uu Jesus la yimid goolka hortiisa uu ku toogtay lugta bidix balse birta ayuu dhinac mariyey.

Aaron Ramsdale ayaa sidoo kale badbaadiyey kubbad halis ahayd oo uu Edouard madax hortiisa ah ku qabtay, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay hal gool oo ay Arsenal la nasatay hoggaanka ciyaarta.

Crystal Palace oo inta badan qaybta labaad daadihinaysay ayaa ku doodday in la siiyo rikoodhe markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Gabriel Magalhaes balse garsooraha  ayaan dheg u dhigin maadaama aanu si badheedh ah gacanta ugu dhufanin, sidoo kalena aanu ka  leexinin jihadii ay kubaddu ku socotoay.

Ayew iyo Edouard ayaa fursado lumiyey ka hor intii aanay Arsenal la imanin goolka labaad ee ciyaarta oo dhamaadka oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay uu shabaqa taabsiiyey Bukayo Saka oo lugta midig ku toogtay kubbad uu isku sii leexiyey Marc Guehi oo goolhayihiisa weydaariyey kubadda.

Arsenal ayaa heshay saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey ciyaarta, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Gunners oo waliba marti ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*