Arsenal Oo Guul Kasoo Gaadhay West Ham, Dibna Ugu Soo Laabatay Kaalinta Afraad Ee Horyaalka

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay maanta si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtay Tottenham, waxaana Gunners ay 2-1 ku garaacday West Ham United oo ay ku booqatay London Stadium.

Arsenal ayaa muujisay ciyaar qaangaadh ah oo dheellitiran, waxaanay laba gool dhalisay labadii qaybood ee ciyaarta, halka West Ham ay keensatay gool ay si adag ugu dagaallameen cidhiidhina ku geliyeen Arsenal.

Difaaca reer England ee Rob Holding ayaa ciyaarta ku furay gool uu madax ku dhaliyey qaybtii hore, hase yeeshee waxyar ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayuu Jarrod Bowen gool qurux badan u keenay West Ham United oo uu ciyaarta kaga dhigay barbarro 1-1 ah.

Arsenal ayay u ahayd habeen ay difaacyahannadu u noqdeen gool-dhaliyeyaal, waxaana mar kale gool u dhaliyey Gabriel Magalhaes oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Gabriel Martinelli oo ay Brazil u wada dhasheen.

West Ham United ayaa fursado badan heshay labadii qaybood ee ciyaarta, laakiin waxa ka xumaa dhamaystirka, inkasta oo ay Arsenal ay iyaduna fursado goolal noqon karayay ay iska khasaarisay, kuwaas oo ay waqti horeba ku dili karayeen rajada ay qabtay West Ham United.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay dib ugu soo laabatay kaalinta afraad oo ay yeelatay 63 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa Tottenham oo kaalinta shanaad u dhaadhacday.

Arsenal ayaa sidoo kale ku dhowaatay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League oo ay hadda saddex dhibcood oo kaliya kaga hayso Chelsea oo toddobaadyadii ugu dambeeyey guul-darrooyin soo hoynaysay, maanta khasaare kala soo kulantaya Everton oo ay booqatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*