Arsenal Oo Dalabkii Koowaad Ka Gudbisay Raphinha & Jawaabta Leeds United Oo Lasii Qishay

Arsenal ayaa dalabkeedii koowaad ka gudbisay garabka kooxda Leeds United ee Raphinha xilli ay isku dayayaan inay ku garaacaan Barcelona oo mudo dheer la filayay inay la wareegto.

Leeds ayaa la fahamsan yahay inay soo diidi doonto dalabkaas maadaama oo uu ka hooseeya 60-ka Milyan ee pound ee ay ku qiimaynayso xiddigeeda.

Raphinha oo uu wakiilkiisa gaarka ahi yahay halyeeyga ree Portugal ee Deco ayay shirkadi ka wada masuul tahay isaga iyo Fabio Vieira oo ay xalay si rasmi ah saxeexiisa u shaacisay Arsenal.

Kaddib saxeexa Vieira, Arsenal ayaa hadda dareenkeeda u jeedisay Raphinha, si lamid ah Barcelona sidoo kale waxa saxeexa Brazilian-kaas isha ku haya Chelsea iyo Tottenham oo ay London ka wada ciyaaraan Gunners.

Raphinha ayay isaga doonistiisu tahay inuu ku biiro Barcelona balse xaalada dhaqaale ee kooxdaas oo aan fiicnayn darteed ayaa ku sababaysa inuu meel kale u wareegi karo.

Raphinha ayaa laba xilli ciyaareed ku qaatay Leeds isaga oo 65 kulan oo Premier League ah ugu soo dhaliyay 17 gool. Heshiiskiisa haatan uu ku joogo Elland Road ayaa ah mid dhacaya 2024.

Sidoo kale waxa Arsenal bartilmaameed u ah daafaca dhexe ee Ajax ee Lisandro Martinez walow ay u baahan doonaan inay marka hore iibiyaan Lucas Torreira iyo Nicolas Pepe.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*