“Aniga Ayaa Ah Xiddigga Ugu Wanaagsan Ee Ka Ciyaaray Horyaalka…”

Xiddiga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa sii wata hadallada xasuusaha ka tegaya ee looga bartay, isla markaana muranka dhaliya.

40 jirkan ayaa isku tilmaamay ciyaartoygii ugu wannaagsanaa ee abid ka ciyaaray horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS oo uu muddo laba sannadood ah u ciyaaray kooxda Los Angeles Galaxy.

Waxa uu isku tilmaamay ciyaartoy aad uga wanaagsanaa inuu waqtigaas ka ciyaaro guud ahaanba horyaalka, isla  markaana uu yahay xiddigii ugu fiicnaa ee abid ka dheela tartankaas, illaa hadda.

Ibrahimovich ayaa 58 ciyaarood oo uu u saftay LA Galaxy waxa uu u dhaliyey 53 gool, ka hor intii aanu sannadkii 2019kii dib ugu soo laabanin horhyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.

Muddadii labada sannadood ahayd ee uu Ibrahimovich ka ciyaarayay Maraykanka ayaanu wax koob ah ku guuleysanin, waxaase sannadkii 2018kii ay soo gaadheen kulamada isreeb-reebka ee loo yaqaano Play-offs-ka, halka sannadkii xigayna ay ku hadheen semi-finalka ciyaaraha galbeedka ee loo yaqaano Western Conference.

Laacibkan ayay waqtigaas da’diisu ahayd 36 jir, waxaana gaadhay dhaawac halis ahaa oo sababay inuu soo afjaro waayihiisa isla markaana uu dib ugu soo laabtay Yurub, waxaana mar wax laga weydiiyey xusuusta waqtigiisii Maraykanka uu yidhi: “Aad  ayaan u faraxsanahay. Waan u mahad-celinayaa horyaalka MLS in ay i siiyeen fursad aan ku dareemo in aan noolahay.

“Laakiin dhibaatadu waxay ahayd in aan wali aad u noolaa. Sidaa darteed, aad ayaan uga fiicnaa dhamaan tartanka, waana sida aan anigu muujiyey. Waxa aan ahay ciyaartoygii ugu fiicnaa ee abid ka dheelay horyaalka MLS, mana aha wax aan sheeganayo ee xaqiiqo.

“In aan ka  ciyaaro Maraykanku waxay ii ahayd fursaddii ugu fiicnayd ee aan kaga soo laabtay dhaawacaygii. Waxay ahayd xaaladdii ugu fiicnayd abid. Waan ku faraxsanahay in aan ka ciyaaro MLS sababtoo ah waxay ii sheegeen in garoomadu ay madhnaayeen maarkii ay tegayay, laakiin marka aan anigu ciyaarayo ma jirin garoon madhnaa, way buuxsamayeen, markaa kama caban karo, waanan ku faraxsanahay in aan halkaas ka ciyaaray.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*