Andy Robertson Oo Dhabarka U Jeediyey Liverpool Markii Uu Ogaaday In Real Madrid Doonayso

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa wadnaha farta ku haysa, waxaana hadal aanay filayn uu uga yimid difaacooda bidix ee Andrew Robertson saacado kaddib markii la sheegay in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay doonayso inay la saxeexato difaacan reer Scotland.

Real Madrid oo quus ka taagan qaab-ciyaareedka Ferland Mendy oo dhaawacyo ay dishoodeen isaga oo marka horeba la saluugsanaa kubaddiisa, ayaa waxa ay dhigayaan suuqa xagaagan iyaga oo beddelkiisana u arka Andy Robertson ama Alphonso Davies oo Bayern Munich u ciyaara.

Carlo Ancelotti oo marar badan xilli ciyaaareedkan difaaca bidix u isticmaalay Eudardo Camavinga ayaa waxa uu bartilmaameedka koowaad ka dhiganayaa Andy Robertson oo uu ka doorbidayo Alphonso Davies sababtuna waa in laacibka Bayern Munich ay dhaawacyadiisu badan yihiin.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay, Real Madrid waxay Robertson ku doonaysaa £40 milyan oo Gini, waxaanay ku qanacsan yihiin shaqadiisa gudaha garoonka ee difaaca iyo caawintiisa cajiibka ah iyadoo 43 kulan oo uu u saftay Liverpool xilli ciyaareedkan caawiyey 11 gool.

26 jirkan oo sannadkii 2010 ay Liverpool kaga soo iibsatay Hull City £10 milyan oo Gini oo kaliya ayaa u saftay 267 ciyaarood oo uu caawiyey 63 gool, siddeed kalena dhaliyey, waxaana uu kula guuleystay Premier League, Champions League, FA Cup, EFL Cup, Community Shield, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.

Wargeyska Liverpool Echo ee kasoo baxa magaalada Liverpool ayaa sheegay, in Andy Robertson uu u sheegay tababare Jurgen Klopp in uu soo dhoweynayo xiisaha Real Madrid oo uu doonayo inuu tago Santiago Bernabeu, taas oo walbahaar ku abuuraysa Klopp.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa suuqa u geli doonta beddelka difaaca reer Scotland haddii uu go’aansado in uu aqbalo dalabka Real Madrid oo uu ku riixo Reds inay iibiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*