AKHRISO Oo Ha Qoslin!! – Kaftankii Uu Thomas Tuchel Kaga Cadhaysiiyay Lukaku Ee Conte La Xidhiidhay Oo Banaanka La Keenay

Xidhiidhka adag ee kala dhaxeeyay Romelu Lukaku tababarihiisa Thomas Tuchel ayaa ahaa mid kamida sababaha ugu waaweyn ee uu Chelsea ugu fashilmay.

29 sano jirkaas ayaa ku deg-degay tababaraha ree Germany oo uu taatikadiisa wax kaga sheegay waraysi uu bixiyay isla markaana ku qirtay inuu doonayo ku laabashada Inter Milan mar uun.

Balse sidoo kale sida haatan shaaca laga qaaday Thomas ayaa kaftan ka cadhaysiiyay oo aan aad uga daadegin ku tuuray weeraryahanka Belgian-ka ah.

Saxafiga shabakadda GOAL ee Nizaar Kinsella ayaa sheegay in Tuchel uu dacaayadeeyay Lukaku isaga oo kula kaftamay in tababarihiisii hore ee Inter Milan ee Antonio Conte haatana ah macalinka Tottenham uu yahay isaga aabihii.

“In la arko isaga oo si aad u sarreysa uga hadlaya Inter (Waraysigii uu siiyay Sky Italia) waxay cay ku ahayd taageerayaasha Chelsea, xidhiidhkii iyaga kala dhaxeeyay ayay burburisay” ayuu yidhi ugu horreynba saxafi Nizaar.

“Sidoo kale waxa jirtay dhacdo kale oo daaha dabadiisa ah oo aan la duubin amaba wax sidaas oo kale ah aan lagu samayn. Qof ayaa ii sheegay in Lukaku iyo Tuchel ay daawanayeen kulan Tottenham ah oo uu Tuchel yidhi ‘Wakaas aabahaa’ isaga oo ula jeeday Conte”.

“Wuxuu ahaa kaftan balse dhab ahaan si fiican ugamay dhaadhicin Lukaku”

Conte iyo Lukaku ayuu xidhiidh aad u wanaagsani kaga dhaxeeyay Inter, Big Rom ayaa sheegay inuu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee uu la shaqeeyo halka Conte  uu bilawgii xilli ciyaareedkii hore ku eedeeyay Tuchel inuusan garanayn sida loo adeegsado dhaliyahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*