AKHRISO: Lacagta Waallida Ah Ee Lionel Messi Uu Soo Geliyey PSG Sannadkii Uu Joogay

Paris Saint-Germain ayaa si weyn uga faa’iidday heshiiskii ay sannad ka hor la gaadhay xiddiga reer Argentina, waxaana uu usoo hooyey faa’iidadii iyo lacagtii ugu badnayd ee uu ciyaartoy sabab ugu noqdo kooxdani inay hesho intii ay dhisnayd.

Markii ay PSG la saxeexatay Lionel Messi ee uu si degdeg ah ula qabsan waayay ayaa lagu tilmaamay saxeex khamaar ahaa, laakiin PSG waxay u mahad-celinayaa laacibkan oo sannadkii ay mushahar u siiso €40 milyan oo Euro oo naqad ah oo aanay la soconin cashuurta oo iyaduna malaayiin Euro ah.

Wargeyska Marca oo soo xiganaya masuuliyiin ka tirsan PSG iyo khubaro dhaqaale ayaa waxa uu sheegay, in Lionel Messi uu kooxda reer France ee Paris Saint-Germain uu usoo xareeyey lacag ka badan €700 milyan oo Euro muddadii sannadka ahayd ee uu joogay Parc des Princes.

Lacagtan ayaa iskugu jira heshiisyo dhinaca xuquuqda sawirka ah, dakhliga maalinlaha ah ee daawashada ciyaaraha kooxda, iyo sidoo kale toban shirkadood oo ay PSG la gashay xayaysiisyo, halka iibsiga dharka kooxduna uu sii weyn sare ugu kacay, iyadoo markii ugu horreysay taariikhda kooxdan laga iibsaday in ka badan 1 milyan oo garaan.

Waxa kale oo imaatinka Lionel Messi ay Paris saamayn badan kaga yeelatay dhinaca baraha bulshada, waxaana kooxda ku taxmay 15 milyan oo qof tan iyo markii uu Lionel Messi kusoo biiray.

Garoonka Parc des Princes ayaa si joogto ah u buuxsamayay intii uu Lionel Messi yimid, waxaana halkaas uga  soo hoyday lacago badan, halka daawashada telefishanada ay ka mid tahay kooxaha dakhliga ugu badan uu kasoo galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*