AKHRISO Erayadii Kama Dambaysta Ahaa Ee Uu Xavi U Sheegay Ousmane Dembele & Waxa Ka Cusub Mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa garabka weerar ee kooxdiisa ee Ousmane Dembele runta farta ka saaray xilli la filayo inay wax iska bedelaan go’aankiisii hore ee mustaqbalkiisa.

25 sano jirkaas ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Camp Nou oo dhammaadka bishan dhacaya walina wax heshiis kordhin ah lama uusan gaadhin kooxdaas.

Saxafiga Spanish-ka ah ee Javier Miguel ayaa sheegay in Xavi qudhiisu uu isaga u sheegay inaysan wax dalab ah oo kale hordhigi doonin Dembele isla markaana ay tahay inuu heshiiskii hore aqbalo amaba uu kooxda deg-deg uga tago.

“Ma jiri doono dalab cusubi, amaba waxaad aqbali doontaa midka aad hayso amaba nabadgelyo” ayuu saxafi Miguel sheegay inuu Xavi ku yidhi Dembele.

Dalabka uu haatan aqbali karo Dembele ayaa ah midkii ay Barcelona hordhigtay bishii December oo ay wakhtigaas diideen wakiiladiisu inay aqbalaan.

Dembele ayay Barcelona ula soo saxeexatay sanadkii 2017 inuu noqdo bedelka mudada dheer ee Neymar isaga oo heshiis 105 Milyan oo euro ah oo lagu daray gunnooyin kaga yimid Borussia Dortmund.

Dembele ayaa shantaas sano 32 gool iyo 34 caawimo usoo sameeyay Blaugrana kaddib 149 kulan oo uu soo ciyaaray. Xavi ayaa aad u doonaya inuu sii joogo Camp Nou balse intaas ka badan kuma qasbi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*