AKHRISO: 20kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Ee Brazil Usoo Baxay Tan Iyo Sannadkii 2000

Neymar ayaa hoggaaminaya liiska xiddigihii ugu fiicnaa ee usoo baxay Brazil qarnigan 21aad, waxaana uu ka horreeyaa xiddigo kale oo waaweyn oo xataa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or oo aanu isagu waligii hananin.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa saamayn badan ku lahaa kubadda cagta tan iyo sannadkii 2013kii oo ay Barcelona kala soo wareegtay Santos, markaas oo ay kasoo bixisay lacag badan oo abuurtay muran iyo maxkamado la isla aaday, taas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo madaxweynihii kooxda reer Spain.

Saddexda kooxood ee uu u ciyaaray ee Santos, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayuu isku-darkooda u dhaliyey 274 gool iyo 171 kale oo uu caawiye ka noqday, sidoo kalena xulka qarankiisa ayuu hormood u yahay, isaga oo kulan walba oo uu saftay u dhaliyey gool ama caawiyey gool ay asxaabtiisa kale dhaliyeen.

117 ciyaarood oo uu xulka qaranka Brazil u dheelay ayuu dhaliyey 71 gool iyo 52 uu caawiyey, waxaana uu xoogsaday kaalinta koowaad ee ciyaaryahannadii ugu waxqabadka badnaa garoomada laga soo bilaabo sannadkii 2000.

Warbaahinta PepFoot ayaa qiimayn ku samaysay 20kii ciyaartoy ee reer Brazil ee ugu wanaagsanaa qarnigan, waxaanay ka eegtay dhinaca goolasha iyo caawinta uu sameeyey, sida tiradooda, iyadoo xilli-ciyaareed walba si gaar ah loo diiwaangeliyey.

Hal ciyaartoy oo kaliya oo reer Brazil ah ayaa hal xilli ciyaareed gudihii waxa uu ka qayb-qaatay 50 gool oo iskugu jira kuwo uu dhaliyey iyo kuwo uu caawiyey, waana Neymar xiddiga sidaa sameeyey, mana jiro ciyaartoy kale oo ay isku waddan yihiin oo laga soo bilaabo sannadkii 2000 awooday inuu 50 gool ka qayb-qaato.

Roberto Firmino iyo Ronaldo Nazario ayaa iyaguna ku jira liiskan, halka Ronaldinho, Adriano, Vinicius Junior, Luis Adriano iyo Gabriel Jesus ay iyaguna soo galeenn liiska.

Halkan kaga bogo 20ka xiddig ee reer Brazil ee ugu fiicnaa qarnigan 21aad

20. Robinho (Real Madrid, 2009/09) – 21 gool ayuu dhaliyey, 15 gool ayuu caawiyey| 37  gool ayuu ka qayb-qaatay

19. Roberto Firmino (Hoffenheim, 2013/14) – 22 gool ayuu dhaliyey, 16 gool ayuu caawiyey| 38  gool ayuu ka qayb-qaatay

18. Ronaldo Nazario (Real Madrid, 2002/03) – 32 gool ayuu dhaliyey, 6 gool ayuu caawiyey| 38  gool ayuu ka qayb-qaatay

17. Vinicius Junior* (Real Madrid, 2021/22) – 22 gool ayuu dhaliyey, 16 gool ayuu caawiyey| 38  gool ayuu ka qayb-qaatay

16. Neymar (Paris Saint-Germain, 2020/21) – 24 gool ayuu dhaliyey, 14 gool ayuu caawiyey| 38  gool ayuu ka qayb-qaatay

15. Gabriel Jesus (Manchester City, 2018/19) – 29 gool ayuu dhaliyey, 10 gool ayuu caawiyey| 39  gool ayuu ka qayb-qaatay

14. Luis Fabiano (Sevilla, 2007/08) – 36 gool ayuu dhaliyey, 4 gool ayuu caawiyey| 40  gool ayuu ka qayb-qaatay

13. Ronaldinho (Barcelona, 2006/07) – 26 gool ayuu dhaliyey, 14 gool ayuu caawiyey| 40  gool ayuu ka qayb-qaatay

12. Ronaldinho (Barcelona, 2004/05) – 24 gool ayuu dhaliyey, 17 gool ayuu caawiyey| 41  gool ayuu ka qayb-qaatay

11. Adriano (Inter Milan, 2004/05) – 35 gool ayuu dhaliyey, 7 gool ayuu caawiyey| 42  gool ayuu ka qayb-qaatay

10. Nene (Paris Saint-Germain, 2011/12) – 27 gool ayuu dhaliyey, 15 gool ayuu caawiyey| 42  gool ayuu ka qayb-qaatay

9. Neymar (Paris Saint-Germain, 2018/19) – 27 gool ayuu dhaliyey, 17 gool ayuu caawiyey| 44  gool ayuu ka qayb-qaatay

8. Ronaldo Nazario (Real Madrid, 2003/04) – 37 gool ayuu dhaliyey, 9 gool ayuu caawiyey| 46  gool ayuu ka qayb-qaatay

7. Roberto Firmino (Liverpool, 2017/18) – 29 gool ayuu dhaliyey, 18 gool ayuu caawiyey| 47  gool ayuu ka qayb-qaatay

6. Ronaldinho (Barcelona, 2005/06) – 26 gool ayuu dhaliyey, 21 gool ayuu caawiyey| 47  gool ayuu ka qayb-qaatay

5. Neymar (Paris Saint-Germain, 2017/18) – 32 gool ayuu dhaliyey, 19 gool ayuu caawiyey| 51  gool ayuu ka qayb-qaatay

4. Neymar (Barcelona, 2016/17) – 26 gool ayuu dhaliyey, 26 gool ayuu caawiyey| 52  gool ayuu ka qayb-qaatay

3. Neymar (Barcelona, 2013/14) – 30 gool ayuu dhaliyey, 22 gool ayuu caawiyey| 52  gool ayuu ka qayb-qaatay

2. Neymar (Barcelona, 2015/16) – 33 gool ayuu dhaliyey, 20 gool ayuu caawiyey| 53  gool ayuu ka qayb-qaatay

1. Neymar (Barcelona, 2014/15) – 48  gool ayuu dhaliyey, 10  gool ayuu caawiyey| 58  gool ayuu ka qayb-qaatay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*