Xiddigii Garoonka Ee Saddexda Ciyaartoy Isku-qabsadeen Iyo Qiimaynta Kulankii Manchester United & Aston Villa

Philippe Coutinho ayaa niyad-jabiyey Manchester United oo guul isku-qortay ciyaar ka dhacday Villa Park oo uu ku furtay xisaabtiisa goolasha Premier League, waxaanay ku qaadatay 15 daqiiqadood oo kaliya inuu goolkiisa koowaad u dhaliyo Aston Villa.

Ralf Rangnick ayay kooxdiisu u muuqanaysay inay guuleysanayso, iyadoo 2-0 ku hoggaminaysay ciyaarta xilli ay dhamaadka 13 daqiiqadood ka hadhsanaayeen. Bruno Fernandes ayaa Red Devils u dhaliyey labada gool labadii qaybood ee ciyaarta, hase yeeshee Jacob Ramsey iyo Coutinho ayaa min hal gool saxeexay shan daqiiqadood gudahood oo ahaa 77aad iyo 82aad, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-2.

Manchester United ayay u ahayd natiijo aanay aqbali karin, maadaama difaaceedu uu awoodi waayay inuu joojiyo goolal shan daqiiqadood lagaga dhaliyey.

Xiddigii garoonka

Jacob Ramsey oo gool dhaliyey mid kalena caawiyey ayaa noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, waxaanu ku garaacay Coutinho iyo Bruno Fernandes oo ay isku qiimayn ahaayeen.

Laacibkan ayaa ka sokow goolasha uu ku lug yeeshay, waxa uu qayb weyn ka ahaa bandhiggii kooxdiisa.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Aston Villa: Martinez (5), Cash (6), Konsa (6), Mings (6), Digne (7), Luiz (6), Sanson (6), J Ramsey (8), Buendia (7), Ings (6), Watkins (6)

Beddelka: Hause (6), Coutinho (8), Chukwuemeka (7)

Man Utd: De Gea (8), Dalot (7), Lindelof (7), Varane (7), Telles (7), Matic (6), Fred (6), Bruno Fernandes (8), Greenwood (8), Cavani (6), Elanga (8)

Beddelka: Sancho (5), Van De Beek (6), Lingard (6)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*