Shan Xiddig Oo Waa Weyn Oo Erik tan Hag Diiday Inay Man United La Soo Wareegto Xagaagii Oo La Shaaciyay

Tababare Erik ten Hag ayaa lagu waramayaa inuu iska indhotiray liiska shan ciyaaryahan oo uu Ralf Rangnick kula taliyay inay kooxda la soo wareegto xagaagii ka hor inta uusan bixin tababaraha Jarmalka.

Bilowgii waayaha Ten Hag ee Man United waxa uu ahaa mid dhacdooyin badan iyadoo isbedelo garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ay dhaceen.

Taageerayaasha United ayaa ka walwalsanaa dhaqdhaqaaq la’aantii suuqa kala iibsiga xagaaga e eManchester United.

Balse ugu danbeyn Red Devils waxay la soo wareegtay lix ciyaartooy oo kala ah: Antony, Casemiro, Martin Dubravka, Christian Eriksen, Tyrell Malacia iyo Lisandro Martinez.

Si kastaba, Daily Mirror ayaa ogaatay in Ten Hag uu iska diiday inuu u dhaqaaqo soo xerogelinta liiskii uu uga tagay Ralf Rangnick oo ka koobkaan shan xiddig oo waa weyn.

Waxaa liiska uu iska indhotiray Ten Hag ugu sareeyay Erling Haaland oo waqtigaas joogay Borussia Dortmund ka hor inta uusan ku biirin United deriskooda Manchester City.

Waxaa sidoo kale liiska ku jiray seddexda xiddig ee RB Leipzig ee kala ah daafaca Josko Gvardiol iyadoo uu Ten Hag ka doortay Lisandro Martinez oo uu Ajax ka keensaday, xiddiga khadka dhexe Konrad Laimer oo uu ka doorbiday Frenkie de Jong inkastoo uu ku guuldareystay saxiixiisa iyo weeraryahan Christopher Nkunku kaasoo uu ka doortay Antony oo Ajax uu ka soo iibsaday.

Ten Hag ayaa sidoo kale ka diiday Man United inay u dhaqaaqdo xiddigii Monaco ee khadka dhexe Aurelien Tchoumeni, kaasoo ugu danbeyn u wareegay Real Madrid halka Ten Hag uu la soo wareegay xiddigii Los Blancos ee Casemiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*