Naanaystii 1970-meeyadii Ee Soo Noqotay, Xiddigii Garoonka Ee Qaybta Hore Lasii Go’aamiyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool Ku Karbaashtay Man City

Liverpool ayaa guul weyn oo 6-0 ah ka gaadhay Leeds United, waxaana min laba gool dhaliyey Mohamed Salah iyo Sadio Mane. Guushan ayay Liverpool kusoo gaabisay farqigii u dhexeeyey Manchester City oo hadda noqday saddex dhibcood oo kaliya.

Jeol Matip iyo Virgil van Dijk ayaa iyaguna isku qoray xaashida goolasha ee lixda jeer qalinka loogu qaatay ciyaartoyda Liverpool, waxaanay habeen raaxo u ahayd Alisson Becker oo inkasta oo uu qalad sameeyey bilowgii haddana  aan dhibaato badan la kulmin intii ay ciyaartu socotay.

Liverpool ayaa u qalmaysay inay goolal intan ka badan dhashato, waxaana qaybta hore ay nasiib-darro ku dhacday Luis Diaz oo kubbad uu ku toogtay goolka oo u muuqanaysay inay gelayso ay ku dhacday Sadio Mane.

Naanaystii 1970meeyadii oo soo noqotay

Liverpool ayaa lagu tilmaamay ‘Faraska Waalan’, waana magac caan ka ahaa Anfield xilliyadii ay guulaha badan gaadhi jirtay ee 1970-meeyadii. Kabtankii Liverpool ee Emlyn Hughes ee waqtigaas ayaa loogu yeedhi jiray ‘Crazy Horse’ oo noqonaysa ‘Faraska Waalan’, waxaana dib usoo xasuusiyey taageereyaasha goolashii ay dhaliyeen Jeol Matip iyo Virgil van Dijk, halka Salah iyo Mane ay min laba saxeexeen.

Xiddigii garoonka

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laba gool oo rikoodheyaal ah dhaliyey, waxaanu ku daray caawin uu u sameeyey Matip, halka kubbad uu goolhaye Meslier dhaafiyey uu laynka kasoo qabtay Junior Firpo.

Khatar badan ayuu ku hayay difaaca Leeds United, qaybtii labaadna kubbad uu goolka ku toogtay ayuu goolhayuhu tiigsaday oo mar farihiisa ka baxsatay, waxaanu sidaa ku noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa garoonka.

Qiimayntii kulanka ayuu ka helay darajada9, waxaana uu ku garaacay Matip, Van Dijk, Thiago iyo Mane oo ay qiimayntoodu ahayd min 8.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Liverpool: Alisson 6; Alexander-Arnold 7, Matip 8, Van Dijk 8, Robertson 7; Thiago 8, Fabinho 6, Jones 7; Salah 9*, Mane 8, Diaz 7.

Beddelka: Henderson 7, Milner 7, Origi 6.

Leeds: Meslier 7; Dallas 6, Ayling 5, Struijk 6, Firpo 6; Forshaw 5; Raphinha 5, Klich 5, Rodrigo 5, Harrison 5; James 5.

Beddelka: Roberts 6, Shackleton 5, Gelhardt 6.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*