Muxuu Sameeyay Kai Havertz Oo Ka Careysiiyay Goolhayaha Everton Kulankii Shalay Ee Premier League?

Weeraryahanka Chelsea Kai Havertz ayaa ku maadeystay goolhayaha Everton Jordan Pickford taasoo ay la dhaceen jamaahiirta Blues.

Xiddiga Jarmalka ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican isagoo rigoore ka dhaliyay goolhayaha Everton. Havertz ayaa dhinac qaldan u diray Pickford ka hor inta uusan shabaqa ka soo taabanin.

Waxay aheyd goolkiisii seddexaad ee seddex kulan gudahood, waana goolkiisii 7aad ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League. Wuxuuna goolkiisa rigoorada ku calaamadeeyay dabaaldeg uu ku maadeysanayo goolhayaha Everton.

Pickford ayaa lagu yaqaanaa inuu ciyaar maskaxeed la ciyaaro weeraryahanada isagoo hadalo kulul ku tuura ka hor inta aysan rigoorada tuurin, laakiin xiddiga Jarmalka ayaa markii uu rigoorada dhaliyay waxa uu sameeyay wajiga clown-ka oo ah inuu gacmaha saaray dhegaha gadaashooda islamarkaana carabka banaanka soo dhigay isagoo eegaya goolhayaha Everton oo ku mashquulsanaa inuu kubada shabaqa ka soo saaro.

Taageerayaasha Chelsea ayaana jeclaaday dabaaldegiisa iyagoo fariimo taageero ah soo dhigay baraha bulshada, waxayna si weyn u wadaagayeen muuqaalka dabaaldega Havertz.

Si kastaba, Pickford ayaa qosolka ku danbeeyay madaama kooxda Everton ay barbareysay Chelsea waqtigii dhimashada ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*