Milkiilaha Chelsea Oo LIX Saxiix U Balanqaaday Thomas Tuchel Xagaagan & Magacyada Xiddigaha Ay Kooxda Dooneyso

Milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa lagu waramayaa inuu ka balanqaaday tababaraha Blues Thomas Tuchel ilaa iyo lix saxiix oo cusub xagaagan.

Milkiilaha reer Mareykan Boehly iyo Tuchel ayaa wadahadalo yeeshay todobaadkan iyagoo ka hadlay qorshaha suuqa kala iibsiga ee kooxda.

Milkiilaha cusub ayaa u balanqaaday Tuchel lix saxiix oo cusub ka hor inta uusan soo xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegtay Telegraph.

Bartilmaameedka ugu hooseeya ee Tuchel waxaa looga dhigay inay Chelsea u soo saaro Champions League xilli ciyaareedka danbe halka bartilmaameedka ugu sareeya uu yahay inay koobka horyaalka kula tartamaan Manchester City iyo Liverpool.

Boehly ayaa la sheegayaa inuu Tuchel u gacan gelin doono 200 milyan oo uu ku galo suuqa kala iibsiga, halka sidoo kale la siin doono lacag walba oo ka soo gasha kooxda ciyaartoyda ay iska iibiyaan.

Muhiimada ugu sareysa ee kooxda inay la soo wareegaan daafacyo dhexe ka dib markii ay kooxda ka tageen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Blues waxaa lala xiriiriyay Matthijs de Lig kaasoo lagu waramayo inuu ka dalbaday Juventus inay iska iibiyaan, waxay sidoo kale Blues dooneysaa Jules Kounde.

Chelsea waxay sidoo kale dooneysaa xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester City Raheem Sterling.

Blues waxay sidoo kale xiiseyneysaa saxiixyada seddexda xiddig ee Brazil Gabriel Jesus, Raphinha iyo Richarlison inkastoo Jesus iyo Raphinha ay sidoo kale xiiseyneyso Arsenal.

Romelu Lukaku ayaa heshiis amaah dib ugu laabtay Inter Milan iyadoo Chelsea ay bedelkiisa u aragto xiddigo Everton Richarlison.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*