Maxaa Lagu Sameyn Doonaa Garoomada Qatar Ka Dib Koobka Adduunka? Qorshe Cajiib Ah Oo Loo Dejiyay

Dalka yar ee Qatar ayaa sannadkan martigelinaya Koobka Adduunka, ma ahan dal lagu yaqaano kubada cagta balse waa dal doonaya inuu soo jiido dunida jecel kubada cagta.

Qatar waxay  u dhistay Koobka Adduun sideed garoomo waa weyn oo si casri ah loo qalabeeyay, waxayna garoomadaan ka badan yihiin inta ay u baahan yihiin sidaasi darteed waxaa durbaba la isweydiinayaan maxaa lagu sameyn doonaa garoomadaan ka dib marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka.

Bedelkii ay dalaxeysan lahaayeen, Qatar waxay sii dejisay qorshe looga faa’ideysan karo marka uu dhamaado Koobka Adduunka.

Xaqiiqdiina mid ka mid ah garoomada oo lagu magacaavo Stadium 874 waxa uu noqonaa garoonkii ugu horeeyay taariikhda Koobka Adduunka ee la kala furfuro. Waxaa qalabka lagu dhisay garoonka loogu deeqi doonaa wadamada u baahan inay horumariyaan adeegyadooda isboorti.

Garoonka Lusail Stadium oo qaada 80 kun taageerayaal ah islamarkaana lagu qaban doono ciyaarta finalka 18ka December waxaa loo bedeli doonaa goob bulshada loogu faa’ideeyo oo ay ka dhisan tahay iskuulo, meelo lagu qaxweeyo iyo goobo caafimaad.

Garoomada kale waxaa lagu dhisay saqaf la furfuri karo iyo weliba dabaqyo la furfuri karo. Garoonka Al Bayt Stadium tusaale ahaan waxaa la dhigi doonaa garoon qaada 32 kun taageerayaal ah halka uu iminka qaado 60 kun taageerayaal ah.

Qatar waxay cashar weyn ka baratay Brazil iyo South Afrika oo qasaaro xoogan ay ka soo gaartay garoomadii ay u dhiseen Koobka Adduunka.

Tusaale ahaan Brazil waxay garoomo ka dhistay magaalooyin aan laheyn kooxo waa weyn oo garoomadaas ku ciyaara iyadoo garoomada qaar ay noqdeen boosteejo ay isticmaalaan basaska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*