Manchester United iyo Liverpool ayaa war fiican ka helay ceyrsashadooda xiddiga Chelsea Mason Mount.
Laacibka Ingariiska oo 24 sanno jir ah ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa sannadka soo socda, waxaana haatan hakad ku jiro wadahadaladii qandaraas kordhinta.
Mason Mount ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo mushahar kordhin weyn isagoo haatan qaata 80 kun ginni todobaadkii.
Waxa uu ka caga jiidayaa inuu qandaraas muddo dheer ah saxiixa oo la mid ah midkii Reece James.
Ciyaartoyda badan ee ay soo iibsatay Chelsea ayaa keentay in Mount uu ka dhaco dhanka doorashada shaxda kooxda.
Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in ciyaaryahanka uu haatan sameystay wakiil cusub oo mustaqbalkiisa u jideeya.
Neil Fewings oo ka mid ah wakiilada ugu caansan Ingariiska ayaa haatan noqday maamulaha ciyaaryahanka.
Wargeyska waxa uu sheegay inay tani muujineyso in Mason Mount uu go’aan ku gaaray inuu isaga tago Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Chelsea waxay ku adkeysaneysaa inay dalabkoodii ugu danbeeyay ee qandaraas kordhinta gudbiyeen, mana doonayaa inuu si xor ah uga tago bisha danbe.
Waxay taasi keeni kartaa inay iska iibiyaan xiddiga akadeemigooda ka soo baxaya xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga iyadoo ay saxiixiisa u tartamayaan kooxaha Liverpool iyo Man United.
Be the first to comment