Man United Oo Lagu Qasbay Inay War Ka Soo Saarto Mason Greenwood Ka Dib Fariimo Ay Ka Heleen Taageerayaasha

Manchester United ayaa ku carabka ku adkeysay inaysan waxba iska bedelin go’aankii ay kooxda ka qaadatay Mason Greenwood.

20 jirkaan ayaa kooxda laga mamnuucay ka dib markii ay xireen boliiska isagoo loo heysto eedeymo la xiriira kufsi iyo jirdil uu u geystay gabar.

Wuxuu haatan banaanka ku joogaa damaanad iyadoo kooxda ay sheegtay waqtigaas inuusan u dheeli doonin ilaa iyo amar danbe.

Si kastaba, taageerayaasha qaarkood ayaa ogaaday in Greenwood uu weli ka soo muuqanayo website-ka kooxda, taasoo keentay inay isla dhexmaraan in xiddigaan uu dib ugu soo noqonayo kooxda.

Waxay tani ku qasabtay Man United inay baahiso warbixin ay kaga hadleyso xaaladaan.

“Waxba iskama bedelin haba yaraatee xaalada Mason.

“Waxaan ka saarnay magaciisa iyo sawirkiisa app-ka kooxda madaama laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda bishii Janaayo.

“Sababta aan uga saarnay waxay aheyd inuusan qeyb ka noqonin saadaasha shaxda ee lagu sameeyo app-ka.

“Si kastaba, magaciisa iyo sawirkiisa weli lagama saarin website-ka, madaama uu weli yahay ciyaaryahan Manchester United ah inkastoo uusan qeyb ka aheyn kooxda inta dacwadiisa sharciga ay socoto.”

Bishii la soo dhaafay warbaahinta Ingariiska ayaa sheegtay in Greenwood uu mushahar ahaan u qaatay in ka badan 250 kun ginni tan iyo markii ay kooxda ganaaxday.

Greenwood waxaa sidoo kale xiriirka u jartay shirkada Nike oo uu heshiis xayaysiin ah kula jiray, halka sidoo kale laga saaray ciyaar gacmeedka FIFA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*