Iiraan Oo Dalbatay In Talaabo Laga Qaado Xulka Mareykanka Oo Magaca Allah(swt) Ka Saaray Calankooda

Xiriirka kubada cagta Iiraan ayaa cabasho u gudbiyay FIFA ka dib markii astaanta Jamhuuriyada Islaamiga ee Iiraan oo ah magaca Allah (swt) laga saraay calankooda, waxaana falkaas ku kacay xiriirka kubada cagta Mareykanka.

Ka hor kulankooda Koobka Adduunka ee Talaadada, Mareykanka ayaa magaca Allah(swt) ka saaray calanka Iiraan ka dib sawir ay soo dhigeen barahooda bulshada ee Twitter, Facebook iyo Instagram.

Mareykanka ayaa ku marmarsiyooday inaysan isticmaalin calanka rasmiga ah ee Iiraan si ay taageero ugu muujiyaan dadka ku banaabaxaya dowlada Iiraan.

Sawirka ay Mareykanka soo dhigeen baraha bulshada

“Fal dhaqan xumo ah ayay ku kaceen, bogga Instagaram ee xiriirka kubada cagta Mareykanka waxay caalamada magalada Allah ka saareen calanka Iiraan.” ayaa lagu yiri wakalaada wararka Iiran ee IRNA.

“Xiriirka kubada cagta Iiraan waxay warqad u direen FIFA iyagoo ka dalbaday in digniin dhab ah loo digo xiriirka Mareykanka.”

Afhayeen u hadlay xiriirka kubada cagta Mareykanka ayaa sheegay in sawirkii calanka Iiraan ee ay bedeleen laga saaray barahooda bulshada laguna bedelay sawir uu ka muuqdo calanka rasmiga ah ee dowlada Iiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*