Pep Guardiola ayaa ku kaftamaya Lionel Messi isagoo ka hadlayay Erling Haaland kaasoo seddexleey kale u dhaliyay Manchester City.
Man City ayaa xalay xasuuqday kooxda Burnley iyagoo u gudbay semi-finalka FA Cup.
Haaland ayaa labo gool ku dhaliyay seddex daqiiqo gudaheed iyadoo 2-0 lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Qeybtii labaad City ayaa sii dardargelisay ciyaarta, waxayna ku dareen goolal kale.
Xiddiga reer Norway ayaa dhameystirtay seddexleydiisii labaad ee afar maalmood gudaheed daqiiqadii 59aad. Julian Alvarez ayaa labo gool dhaliyay halka Cole Palmer uu shabaqa soo taabtay.
Ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa si weyn u amaanay 22 jirka isagoo ka si kaftan ah uga hadlay xan socotay maalmihii ugu danbeysay ka dib markii uu bixiyay Haaland oo shan gool ka dhaliyay RB Leipzig kulankii Champions League.
Taageerayaasha qaar ayaa aaminay in sababtii uu Guardiola u bixiyay Haaland kulankaas inay aheyd si uusan u jabinin rikoodhkii Lionel Messi ee uu hal kulan oo Champions League shan gool ku dhaliyay.
Guardiola ayaa yiri: “Ma garanayo tirada goolal ee uu marayo, ninkaan dhibaato ayuu wajihi doonaa mustaqbalka sababtoo ah dadku waxay ka filan doonaan inuu kulan walba seddex ama afar gool dhaliyo taasoo aan dhici doonin.
“Waan ogahay inuusan kala jecleyn sababtoo ah waa shaqsi niyadsan, marnaba aan cabanin islamarkaana naftiisa eega.
“Sideed gool ayuu ku dhaliyay afar maalmood gudaheed, waxaan 11 sannadood u ciyaaray Barcelona waxaana u dhaliyay 11 gool. Wuxuu sameynayo waa wax cajiib ah. Waxaan u bedelay si uusan u jabinin rikoodhak Messi ee FA Cup, waa sababta aan u bedelay.”
Be the first to comment