Goolhayihii Man United Ee Bedeli Lahaa David de Gea Oo Ku Biiray Koox Premier League Ah

Goolhayaha labaad ee Manchester United Dean Henderson oo loo arkayay inuu yahay bedelka David de Gea ayaa mar kale amaah lagu fasaxay isagoo xilli ciyaareed soo socda ka ciyaari doona isla horyaalka Premier League.

Henderson oo ka walaacsanaa fursad la’aantii ku heysay Old Trafford xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa fursad loo siiyay inuu ku biiro kooxda u soo dalacday horyaalka Premier League ee Nottingham Forest.

Dean Henderson wuxuu amaah ku joogayaa Nottingham Forest ilaa iyo bisha Juun 2023.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano Manchester United waxay heshiiska amaahda ka reebtay qodob u ogolaan lahaa in Nottingham Forest ay si joogta ah u la wareegto goolhayaha marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda.

Dean Henderson ayaa qalinka ku duugi doona heshiiska amaahda marka uu ka soo laabto fasaxiisa xagaaga.

Talaabada ay qaaday Man United ayaa muujineysa in David de Gea uu weli sii ahaan doono goolhayaha koowaad ee Red Devils xilli ciyaareedka soo socda, isagoo xilli ciyaareedkii hore ahaa xiddigii ugu fiicnaa kooxda.

Tababare Ten Hag ayaa isbedelo ku sameynaya Man United ka dib markii uu xagaagan shaqada tababare kala wareegay Ralf Rangnick, waxaana durbaba kooxda ka tagay xiddigo badan oo loo arkayay inaysan waxba ku soo kordhineynin kooxda.

Waxay Man United fasaxday Paul Pogba, Jesse Lingard, Juan Mata iyo Nemanja Matic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*