DEG DEG: Wayne Rooney Oo Is Casilay & War Rasmi Ah Uu Soo Saaray

Wayne Rooney ayaa iska casilay shaqadii tababare ee kooxda Derby County isagoo qirtay in kooxda ay u baahan tahay “tamar cusub” oo hogaamisa xilli kooxda ay ku jirto hubanti la’aan la xiriirta milkiyadooda.

Rooney ayaa yiri: “Xagaagan oo dhan waxaan si dhow u la socday xaalada milkilayada ee kooxda Derby County.

“Maanta waxaan la kulmay maamulka oo aan ku wargeliyay go’aankeyga in la joogo waqtigii aan ka tagi lahaa kooxda. Haddii aan si daacad ah u hadlo, waxay si xoogan isagu dayeen inaan bedelo go’aankeyga laakiin waa ay bedeli waayeen.

“Waqtigeyga kooxda waxa uu ahaa mid dareemo badan, haddii ay ahaan laheyd dareen farxadeed ama mid murugo, laakiin waa inaan qiro inaan ku riyaaqay shaqadeyda.

“Shaqsi ahaan, waxaan dareemayaa in kooxda ay haatan u baahan tahay inuu hogaamiyo shaqsi tamar cusub leh islamarkaana aysan saameyneynin wixii dhacay 18kii bilood ee ugu danbeysay.

“Waan ku faani doonaa waqtigeygii Derby County, waxaana jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo shaqaalaha, ciyaartoyda iyo dabcan taageerayaashii i garab istaagay. Idiinma ilaawi doono, waxaana rajeynayaa inaan mustaqbalka dhow is arki doono anagoo ku jirna jawi farxadeed.”

Rooney ayaa ku dhawaaday inuu kooxda ku hayo horyaalka heerka labaad ee Ingariiska inkastoo ay xilli ciyaareedka ku bilowdeen iyagoo 12 dhibcood laga jaray sababo la xiriira dhaqaale xumo soo wajahday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*