DEG DEG: Lionel Messi Oo Ka Tagaya PSG & Koox Uu Si Xor Ah Ugu Biirayo

Kooxda Mareykanka ee Inter Miami ayaa qarka u saaran inay si xor ah kula wareegto xiddiga Argentina Lionel Messi, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga Argentina ayaa xor noqonaya djamaadka xilli ciyaareedkan marka uu qandaraaskiisa Paris Saint-Germain uu dhacayo.

Messi oo 35 sanno jir ah ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona si uu uga hoos ciyaaro saaxiibkiisii hore ee Xavi.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada The Times, waxaa laga dhigayaa xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda horyaalka Mareykanka isagoo ku biiraya kooxda David Becham ee Inter Miami ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Messi ayaa durbaba guri raaxo oo 5 milyan ginni ku leh magaalada Miami ee dalka Mareykanka, wuxuuna halkaas la tagaa qoyskiisa marka uu fasaxa yahay.

Iyadoo Mareykanka uu martigelinaya Koobka Adduunka ee soo socda, horyaalka dalkaas ayaa doonaya inay soo xerogeliyaan Messi si sarre loogu qaado tayada horyaalkooda.

Beckham ayaa xiriir toos ah la leh milkiilayaasha reer Qatar ee PSG isagoo ambasadoor u ah wadanka martigelinaya Koobka Adduunka.

PSG ayaa dooneysa inay u kordhiso qandaraaskiisa isagoo todobaadkii qaata 1.2 milyan ginni laakiin go’aanka ugu danbeeya waxaa iska leh Messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*