Croatia Oo Ku Ciqaabtay Canada Aflagaadadii Ka Soo Yeertay Tababarahooda & Canada Oo Ka Hartay Koobka Adduunka

Xulka Croatia ayaa ciil ay u qabeen Canada kala duldhacay iyagoo 4-1 ku xasuuqay ciyaartii maanta ee Group F taasoo xaqiijisay in Canada ay si rasmi ah uga harto Koobka Adduunka.

69 ilbiriqsi markii ay socotay ciyaarta Canada ayaa dhalisay goolkeedii ugu horeysay abid ee Koob Adduun markii uu madax ku dhaliyay laacibkooda Alphonso Davies.

Canada ayaa dardar ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Croatia ay u muuqatay kuwa kala daadsan oo aan jaanta isla helin.

Laakiin intii ay ciyaarta socotay waxaa soo baxday khibrad yarida xulka yar ee Canada iyo khibrada weyn ee xulka gaaray finalka Koobka Adduunka sannadkii 2018kii.

Croatia oo gool looga diiday offside ayaa ugu danbeyn heshay goolka barbaraha daqiiqadii 36aad markii Kramaric uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Perisic.

Wax yar ka hor dhamaadkii qeybta hore Croatia ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta markii uu goolka labaad u saxiixay  Livaja, waxaana lagu kala nastay 2-1 oo ay Croatia hogaanka ku heysay.

Markii la isku soo noqday qeybtii labaad Croatia ayaa guusha sii xaqiijisatay daqiiqadii 70aad markii Kramaric uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyadoo mar kale uu caawiye u ahaa Perisic.

Waqtigii dhimashada ciyaarta, qalad ay sameysay Canada ayay Croatia ka faa’ideysatay iyadoo Majer uu dhaliyay goolka afaraad ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-1 oo ay Croatia uga jawaabtay aflagaadadii ka soo yeertay tababaraha Canada todobaadkan kaasoo sheegay ka dib kulankii Belgium inay kufsan doonaan Croatia.

Laakiin hadalkiisii wuxuu sababay in Croatia ay xaqiijiso in Canada ay noqotay xulkii labaad ee si rasmi ah uga hara Koobka Adduunka ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee ay ciyaareen.

Croatia iyo Morocco ayaa min afar dhibcood ku hogaaminaya Group F halka Belgium ay leedahay 3 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*