Cristiano Ronaldo Oo Tababar Ku Sameynaya Garoonka Koox La Liga Ka Ciyaarta

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya ku soo laabashadiisa Manchester United isagoo tababar gaar ah ku sameynaya garoonka kooxda Real Mallorca.

Ronaldo ayaa fasaxiisa xagaagan wuxuu ku qaadanayaa jasiirada Mallorca ee dalka Spain isagoo isku dayaya inuu iska ilaawo jabkii soo gaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ronaldo ayaa soo dhigay bogiisa Instagram sawri uu tababar ku sameynayo garoonka tababarka kooxda La Liga ka dhisan isagoo cinwaan uga dhigay “waan dhameeyay”.

Xiddiga ugu goolasha badnaa Manchester United xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa tababar adag ku sameeyay cimilada kulul ee Spain.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay in Ronaldo uu ka tagayo Old Trafford ka dib markii ay Manchester United ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League.

Si kastaba, tababare Erik ten Hag iyo Ronaldo shaqsi ahaantiisaba ayaa tilmaamay inuu weeraryahanka ku faraxsan yahay Manchester United. Tababaraha Man United ayaa xitaa sheegay inuu doonayo inuu Ronaldo boos uga raadiyo shaxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale, Ronaldo ayaa sharaxaad ku bixiyay inuu aad u doonayo inuu la shaqeeyo tababaraha cusub. Kabtanka Portugal oo dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaya inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa fiican oo uu United ku soo celiyo Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*