Ciyaartoyda Belgium Oo Warbaahinta Iska Weeraray & Kevin de Bruyne Oo Loo Jawaabay

Jan Vertonghen ayaa u muuqda mid ka carooday hadalkiisa ka soo yeeray Kevin de Bruyne todobaadkan ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Morocco taasoo qarka u saartay inay haraan.

Belgium ayaa nasiib ku laheyd inay badiyaan kulankoodii furitaanka ee Canada iyadoo Alphonso Davies uu rigoore qasaariyay.

Waxay maanta guuldarro ka soo gaartay xulka Morocco oo 2-0 ku dubtay Belgium oo haatan kaalinta 3aad kaga jira Group F.

Inkastoo xulka Belgium ay qiimeynta xulalka adduunka kaga jiraan kaalinta labaad, hadana xiddigooda khadka dhexe De Bruyne ayaa todobaadkan sheegay in xulkiisa aysan ku guuleysan karin Koobka Adduunka madaama ay heystaan ciyaaryahano duqoobay, isagoo sheegay in fursadoodii ugu fiicneyd ay aheyd sannadkii 2018kii.

Hadalkaas waxaa ka carooday daafaca dhexe Vertonghen oo ah ciyaaryahanka ugu da’da weyn xulka Belgium kaasoo si dadban u weeraray De Bruyne.

“Waxaa naga dhashay labo gool oo isku mid ah. Ma aheyn inay naga dhashaan” ayuu yiri daafaca ciyaarta ka dib.

“Goolkii hore waan badbaadnay oo offside ayuu noqday laakiin kii labaad ma aanan badbaadin.

“Wax badan ayaa maankeyga ka guuxaya oo aan sheegi karin. Uma maleynayo inaan wax fursado ah abuurnay. Halkee wax ka qaldameen? ayuu yiri daafaca oo eedeynaya weerarka xulka sida De Bruyne.

“Malaha weerarkeenana wuu xumaa madaama aan nahay koox gabowday, malaha sababtuna waa taas.

“Tayo fiican ayaan afka hore ku heysanaa si la mid ah Morocco, iyaga ayaana inaga fiicnaa. Taas ayaa si weyn ii jahwareerineysa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*