Barcelona Oo Heshay Bedelka Rasmiga Ah Ee Sergio Busquets & Qiimihiisa Oo La Ogaaday

Barcelona ayaa durbaba calaamadeysatay bedelka rasmiga ah ee halyeeygooda Sergio Busquets oo shaaciyay inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Blaugrana ayaa ka shaqeyneysa bedelkiisa, waxayna isku raaceen inay soo xerogeliyaan xiddiga lagu magacaabo Martin Zubimendi.

Barca ayaa dareensan in xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad inuu diyaarsan yahay oo uu buuxin karo booska Busquets.

Tababare Xavi Hernandez iyo Jordi Cruyff ayaa aaminsan in Zubimendi uu awoodo inuu sarre u qaado waayihiisa ciyaareed. Magaca Ruben Neves ayaa sidoo kale la soo hadal qaaday laakiin Barca waxay go’aansatay Zubimendi.

Xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad ayaa si weyn ugu haboon booska Busquets, wuu  da’ yar yahay waa 23 jir, waa xiddig si fiican u yaaqana La Liga oo aan u baahneyn inuu la qabsado horyaalka, waxaana xiddig mustaqbal weyn leh.

Frenkie de Jong ayaa haatan ah xiddiga Busquets ka bedelaya kooxda. Laakiin Xavi wuxuu doorbidayaa inuu helo xiddig bedel rasmi u noqon karta Busquets. Xiddiga reer Holland wuxuu caadiyan jecel yahay inuu weerar qaado oo uu weerarka caawiyo. Mana ahan doorka rasmiga ah ee Busquets.

Barca ayaa ka warqabta in Real Sociedad aysan jecleyn inay wadahadal ka gasho iibka ciyaartoydooda, waxay inta badan kooxaha u tilmaamaan lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaartoydooda.

Waxay sidaas ku sameeyeen Newcastle oo kala wareegtay Isak iyo Athletic Club oo ka qaadatay Inigo Martinez. Labada kooxood waxay bixiyeen lacagaha lagu burburin karay qandaraasyada ciyaartoydaas.

Qandaraaska Zubimendi oo dhacaya sannadka 2025, waxaa lagu burburin karaa 60 milyan euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*