Saxeexa Chelsea Dhammaysay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Salaasa Ah

Chelsea ayaa ku dhaw inay heshiis ka badan 60 Milyan oo euro RB Leipzig kagala saxeexato weeraryahan Christopher Nkunku.(Fabrizio Romano)

Paris St-Germain weeraryahankeeda Lionel Messi wali wax heshiis ah lama gaadhin Inter Miami oo ay warar hore sheegeen inuu ku dhaw yahay. (ESPN)

Roma ayaa ka fikiraysa inay suuqa January u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Leicester City ee Caglar Soyuncu. (Calciomercato – in Italian)

Chelsea ma doonayso inay amaah suuqa January ku dirto Christian Pulisic waxayna doorbidaysaa heshiis ay rasmi ugu iibiso. (Mail)

Brighton ayaa kooxda Norwegian-ka ah ee Molde wadahadal kala furtay 19 sano jirka weeraryahanka ah ee David Datro Fofana. (Fabrizio Romano)

Tababare Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu Kyle Walker iyo Jordan Henderson shaxda xulkiisa England ee kulanka caawa Wales kusoo daro.  (Times – subscription required)

Bayern Munich ayaa la aaminsan yahay inay RB Leipzig kala heshiisay saxeexa khadka dhexe ee Konrad Laimer. (90min)

Sunderland ayaa kamida kooxaha Championship-ka ka ciyaara ee xiisaynaya weeraryahanka Aston Villa ee Cameron Archer. (Football Insider)

Manchester United ayaa u furan inay dib ugu wacdo suuqa January qaar kamida xiddigaha amaahda ugu maqan waxaana kamid ah Ethan Laird, Hannibal Mejbri iyo Amad Diallo. (Manchester Evening News)

Wigan ayaa la filayaa inay Khamiista tababaraheeda cusub u magacawdo Kolo Toure oo ka tagaya doorkiisii shaqaalaha tababarka ee Leicester City. (Sky Sports)

Manchester United ayaa loo sheegay inay 100 Milyan oo euro bixiso haddii ay doonayso saxeexa khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez. (Record via Daily Mail)

Manchester United ayaa sidoo kale xiisaynaysa khadka dhexe ee Real Sociedad ee Martin Zubimendi oo 52 Milyan oo euro heshiiskiisa lagu jabin karo. (Express)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*