Paris Saint-Germain Oo La Saxeexatay LABA Ciyaartoy Oo Ay Ksoo Xoogtay Kooxo Waaweyn

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa heshiisyo shaqsi ah la gashay laba ciyaartoy maanta oo Arbaco ah, waxaanay hadda u dhaqaaqaysaa in ay la xaajooto kooxahooda oo ay kala heshiiso lacagta ay kaga iibinayaan.

Waqti hore oo maanta ah ayaa waxa soo baxday in PSG ay heshiis la gaadhay difaaca reer France ee Lucas Hernandez oo ka tirsan Bayern Munich, kaas oo ay u doorteen in ay ku adkeeyaan khadkooda difaaca kaddib xilli ciyaareed adag oo ay meelo hore kaga hadheen UEFA Champions League iyo Coupe de France, halka horyaalkana ay iyadoo laba ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin aanay wali xaqiijisanin.

Bayern Munch ayaan wali ka hadal warkan sheegaya in Lucas Hernandez oo 27 jir ah uu heshiis shaqsi ah la gaadhay PSG oo uu dib ugu laabanayo waddankisa, hase yeeshee warbaahinta ayaa sheegaysa in Munich aanay si fudud ku fasixi doonin laacibkan.

Lucas oo dhaawac uu ragaadiyey isla markaana Koobkii Adduunka kaliya 13 daqiiqadood u ciyaaray xulkiisa, ayay Bayern Munich lacag gaadhaysa €80 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Atletico Madrid sannadkii 2019.

Waxa kale oo PSG ay heshiis shaqsi ah la gaadhay Manuel Ugarte oo u ciyaara Sporting Lisbon oo uu tiir-dhexaad u ahaa, waxaana laacibkan reer Uruguay ay PSG u aragtay inuu wax badan kusoo kordhinayo safkeeda.

22 jirkan oo heshiiskiisa lagu burburin karayo €60 milyan oo Euro ayay PSG go’aansatay in ay bixitaan lacagtaas, waxaanay heshiiskiisa uga hormeen kooxo horyaalka Premier League ah oo raadinayay Ugarte.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*