Xiddig Muhiim Ah Oo Si Xor Ah Uga Tegaya Manchester United Dhamaadka Xilli-ciyaareedkan

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa laga sugayaa in ay gaadho go’aamo waaweyn inta ka  horreysa bisha January ee horraanta sannadka foodda inagu soo haya, si loo go’aamiyo mustaqbalka xiddigo muhiim ah oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin waqtigooda Old Trafford.

Red Devils ayaa la sheegay, in ay ka fiirsanayso isla markaana aanay illaa hadda go’aan ka gaadhin in ay hirgeliso qodob u ogolaanaya in ay heshiis sannad ah u kordhiso goolhayaha reer Spain ee Devid de Gea, kaas oo hadda la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu ka baxo Red Devils marka uu xilli ciyaareedkani dhamaado.

Goolhaye David de Gea ayay sagaal bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhacayo qandaraaaskiisa Old Trafford, waxayse United haysataa dookh siinaya in ay sannad kale oo dheeraad ah kordhin karto heshiiska, inkasta oo taas ay dood ka taagan tahay.

Warbixintii dhaqaalaha ee ay dhamaadka usbuucii hore soo saartay Manchester United oo muujiyey in mushaharka ciyaartoydeedu uu kordhay £61.6 milyan oo Gini marka la barbar-dhigo sannadkii ka horreeyey, isla markaana noqonaya 19.1%, ayaa waxa xiddigaha mushaharkoodu sarreeyo ku jira David de Gea oo toddobaadkii uu mushaharkiisu yahay £350,000 Gini.

Sida uu maanta bogga hore ku daabacay wargeyska The Telegraph, Manchester United ayaa ka maagaysa in ay heshiis cusub siiso David De Gea, sidoo kalena hirgelinta heshiiska sannadka ah ee dookha ah uu caqabad ku noqonayo, sababtoo ah waxay doonayaan in ay hoos usoo dhigaan mushaharooyinak badan ee ay xilli ciyaareedkan iyo midkii ka horreeyey bixiyeen.

Haddii aanay Manchester United hirgelinin dookha siinaya in heshiiskiisa ay ku kordhiso sannad kale, goolhaye David de Gea ayaa xor u noqon doona in uu iskaga tago Old Trafford bisha June taas oo soo afjari doonta muddo 11 sannadood ah oo uu xidhnaa garanka Manchester United.

Warka ayaa intaa ku daray, in Manchestester United oo shaacisay khasaare £115.5 milyan oo Gini sannad-miisaaniyadeedkii u dambeeyey, in ay ka fiirsan doonto in ay goolhayeeda koowaad ku aaminto Dean Henderson oo amaah ugu maqan Nottingham Forest.

Waxa kale oo Manchester United ay go’aan ka gaadhaysaa ciyaartooyo kale oo waaweyn oo qandaraasyadoodu dhamaad ku dhow yihiin, sida Cristiano Ronaldo iyo Alex Telles.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*