Manchester United tababaraheeda Erik Ten Hag waxa lasiin doonaa heshiis kordhin xataa haddii mulkiilayaal cusubi iibsadaan kooxdaas. (Mirror)
Chelsea ayaa doonaysa inay xagaaga la saxeexato goolhayaha Leeds United ee Illan Meslier. (Football Insider)
Newcastle United ayaa dib usoo celisay xiisaheedii xiddigaha Bayer Leverkusen ee Diaby iyo Mitchel Bakker. (90min – in German)
Diaby ayaa mudo dheer bartilmaameed u ahaa Arsenal balse hoggaamiyayaasha horyaalka ayaa ku dhibtoon kara inay saxeexiisa kula tartamaan Newcastle. (Express)
Weeraryahanka Liverpool kasii socda ee Roberto Firmino ayaa doonaya inuu Yurub sii joogo marka uu Reds ka tago xagaaga. (Football Insider)
Wakiilka Mohamed Salah ee Ramy Abbas Issa ayaa beeniyay wararka sheegaya in xiddigiisu ka tagayo Liverpool. 90min)
Liverpool iyo Man United ayaa xiisaynaya goolhayaha Anderlecht ee Anderlecht ee Bart Verbruggen. (Het Laatste Nieuws – in Dutch)
Goolhaye Edouard Mendy ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo Chelsea. (Mirror)
Goolhaye Roy Hodgson ayaa diyaar u ah inuu shaqada Crystal Palace kusoo laabto ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka. (Sun)
Wolves ayaa xagaaga dhagaysan doona dalabaadka lagu doonayo Ruben Neves, Barcelona, Real Madrid, Manchester United iyo Liverpool ayaa dhammaantood xiisaynaya (Mirror)
Liverpool heshiis cusub uma bandhigi doonto Naby Keita heshiis cusub marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga, Inter Milan ayaa xiisaynaysa. (Calciomercato – in Italian)
Garabka Ajax ee Mohammed Kudus ayaa sheegay inuu diirada saarayo kooxdiisa xilli lala xidhiidhinayo Man United isla markaana kooxda Dutch-ka ah heshiis kordhin u samayn doono marka ay ku haboon tahay. (De Telegraaf – in Dutch)
Tottenham ayaa indho indhaynaysa garabka Watford ee Adrian Blake. (Mail)
Borussia Monchengladbach ayaa ka tanaasushay sii haysashada khadkeeda dhexe ee Manu Kone, Chelsea ayaa kamida kooxaha xiisaynaya. (Caught Offside)
Halyeeyada France iyo Arsenal ee Patrick Vieira iyo Henry ayaa ku loolami kara shaqada tababarenimo ee ka banaan xulka USA.. (Goal)
Paris St-Germain ayaa diyaar u ah inay 180 Milyan oo euro ka bixiso garabka Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia. (Corriere dello Sport – in Italian)
Be the first to comment