Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyey In Dersin Ciyaartooyo Ahi Ka Dhaawacan Yihiin Liverpool

Jurgen Klopp ayaa ka hadlay taam ahaanshaha ciyaartoyda kooxdiisa, waxaana uu sheegay inay jiraan tiro badan oo dhaawacyo ah laakiin waxa uu meesha ka saaray in ay waqtigan samayn doonaan saxeexyo, inkasta oo uu dhinaca kalena bixiyey qish la xidhiidha haddii ay kooxdiisu u geli doonto beddelka ciyaartoyda dhaawaca ah.

Klopp waxa uu rajo ka muujiyey in uu taam noqon doono Naby Keita ka hor ciyaarta Fulham ee berri kaddib xanuun laacibkaas asiibay, hase yeeshee waxa uu qiray in uu muddo garoomada ka maqnaan doono Ibrahima Konate oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee Strasbourg ee toddobaadkii hore.

Tiro ciyaartooyo ah ayaa Liverpool dhaawac kaga maqnaa xagaagan, waxaanay badankoodu seegi doonaan kulamada ugu horreeya.

Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota iyo Caoimhim Kelleher ayaa ku dhaawacmay kulamadii caalamiga ahaa ee bishii June, walina way ka maqan yihiin Liverpool, halka Alex Oxlade-Chamberlain uu isaguna dhaawac kasoo gaadhay kulamadii saaxiibtinimo ee kooxdiisa waxaanu garoomada ka maqnaan doonaa illaa bisha October.

Jurgen Klopp oo maanta saxaafadda kula hadlayay Anfield ka hor ciyaarta Craven Cottage ay berri ugu tegayaan Fulahm ayaa yidhi: “Waa run in ay ciyaartooyo badan naga dhaawacan yihiin, walina waxba isma beddelin. Waxa jira xaalado badan oo nasiib-darro ah. Waxay kasoo bilaabatay Caoimhim, waxa kale oo ay ku bilaabatay DIogo. Midkood dhaawac ayaa gaadhay, midka kalena dib ayuu u dhaawacmay, labadooda midkoodna taam ma aha. Waxa kale oo xanuun aan halis ahayn dareemaya Curtis Jones. Oxlade ayaa isaguna muddo maqnaanaya.”

Klopp waxa kale oo uu sheegay in difaaca bidix ee Kostas Tsimikas uu isaguna dhaawac qabo oo uu marar badan tababarradii iyo kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga uu dibedda ka joogay, waxa uu se rajo ka muujiyey in uu dib usoo laaban doono usbuucyada soo socda.

Labada ciyaartoy ee diyaarka u ah inay kooxda kusoo noqdaan ayaa ah Alisson Becker oo kasoo kabtay dhaawac uu kulamadii saaxiibtinimo kaga maqnaa iyo Naby Keita oo isaguna maanta kusoo laabtay tababarka kaddib xanuun aan ahayn fayraska Korona oo ku dhacay.

Magacyada toddobada ciyaartoy ee ka dhaawacan Liverpool

Caoimhim Kelleher, Ibrahima Konate, Kostas Tsimikias, Calvin Ramsay, Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones iyo Diogo Jota

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*