HESHIIS DHAN: Mustaqbalka Raphinha Oo Dhinac U Dhacay & Kooxda Markaliya Saxeexiisa Dhammaysay

Saxeexa garabka kooxda Leeds United ee Raphinha ayaa u muuqda mid lagu kala guuleystay, hore ayaa inta ugu badan loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Arsenal inta ugu badan.

Haatan kooxda markaliya ka dhex booday kooxahaas ayaa ah Chelsea oo xalay heshiis deg-deg ah la gaadhay kooxda Premier League ka ciyaarta, sida uu sheegayo saxafi Fabrizio Romano labada dhinac  ayaa isku af-gartay heshiis 60 ilaa 65 Milyan oo pound ah.

Waxa xusid mudan in Barcelona ay ahayd kooxda la sheegay inuu shaqsiyan doonayay xiddiga Brazilian-ka ahi balse ay awoodi wayday inay dhaqaale ahaan bixiso waxa ay dalbanaysay Leeds.

Dhinaceeda Arsenal ayaa ka gudbisay Raphinha dalabaad aan gaadhsiisnayn heerka ay kooxdiisu ku qiimaynaysay taas oo dhalisay in laga soo diido dalabaadkaas.

Wali waxa u hadhsan Chelsea oo aan dhicin heshiiska shaqsiga ah waxaana ay haatan wadahadalo toos ah kula jiraan ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa oo ah khadkii dhexe ee hore ugu soo ciyaaray Blues ee Deco.

Heshiiskan ayaa dhirbaaxo ku noqonaya Arsenal oo si weyn u doonaysay inay Raphinha xilli ciyaareedka dambe kusoo xoojiso safkeeda weerarka kaddib Gabriel Jesus oo ay haatan aad ugu dhaw yihiin.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*