Erik ten Hag Oo Go’aan Ka Gaadhay Cristiano Ronaldo Ka Hor Inta Aanu Tegin Manchester United

Tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag ayaa go’aan kasii gaadhay Cristiano Ronaldo ka hro inta aanu imanin Old Trafford xagaaga oo uu beddeli doono Ralf Rangnick.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan ahaa xiddiga ugu gool-dhalinta badan kooxdaas, waxaanu u saxeexay 23 gool oo dhamaan tartamada ah, laakiin mustaqbalkiisa ayaa shaki la geliyey, kaddib markii lala xidhiidhiyey kooxo kale oo reer Yurub ah.

Manchester United ayaan kasoo qayb-geli doonin tartanka Champions League sida ay muujinayso xisaabta kaalmaha sare inkasta oo aanay wali si rasmi ah taasi u xaqiiqoobin.

Ronaldo ayaa la sheegay inay ku adag tahay inuu ka maqnaado tartanka Champions League, haddii ay dhacdana waxay noqon doontaa markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2003 ee aanu ka ciyaarin horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League.

Erik ten Hag ayaa Manchester United isbeddello badan ku samayn doona, waxaana uu ka dirayaa dersin ciyaartooyo ah oo intooda badan ku baxaya si bilaash ah maadaama qandaraasyadoodu dhamaadeen, kuwo kalena iyaga ayaa gaadhay go’aan ah inay iska tagaan, sida Nemanja Matic oo uu sannad uga hadhsan yahay dhamaadka heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, Erik ten Hag waxa uu go’aansaday in uu kooxda kusoo ururiyo ciyaartooyo da’yar ah, una diyaariyo mustaqbalka halkii uu ka raadin lahaa guul degdeg ah, waxaana uu sidoo kale go’aan ka gaadhay Cristiano Ronaldo oo uu u ogolaanayo inuu sii joogo, laakiin waxa uu isagana diiday inuu u ballan-qaado inuu noqonayo ciyaartoy si joogto ah ugu soo bilaaban doono.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Ralf Rangnick ayuu Ronaldo ka haystay damaanad ah boos joogto ah, laakiin Ten Hag waxa uu diiddan yahay arrintaas, waxaana uu kusoo geli doonaa shaxda uu u arko in ay kooxda iyo mustaqbalkeeda u wanaagsan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*