YAAB: Barcelona Oo Ciyaartoy 15 Jir Ah Ugu Yeedhatay Tababarka Ay Ugu Diyaar-garoobayana Real Madrid

Barcelona ayaa maanta isku sii kululaysay ciyaarta weyn ee El Clasico ee ay habeen dambe ku qaabbilayaan Real Madrid, waxaana ciyaartoyda Barcelona lagu dhax arkay ciyaartoy ay da’diisu tahay 15 jir oo ay layaab ku noqotay jamaahiirta.

Xavi Hernandez oo kooxdiisu ay 12 dhibcood oo nadiif ah ku qaban doonto hoggaanka horyaalka LaLiga haddii ay guuleysato ciyaarta Axadda, ayaa waxa uu tababarkii maanta si lama filaan ah ugu yeedhay ciyaartoy 12 jir ah oo hadal-hayn badan abuuray.

Gellinkii hore ee maanta oo ay ciyaartoyda Barcelona tababarka qaateen ayaa waxa aan joogin Ousmane Dembele oo wali ku maqan dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Girona ee bishii January iyo Pedri oo isagana ay ciyartani waqti hore ku tahay, maadaama aanu si buuxda uga soo kabanin dhaawac muruqa ahaa oo kasoo gaadhay ciyaartii Manchester United ee bishii hore.

Ciyaartoyga layaabka ay ku noqotay taageereyaashu inay garoonka tababarka ku arkaan ayaa waxa uu ahaa Eder Aller oo ay da’diisu tahay 15 jir, isla markaana looga yeedhay kooxda heerka labaad ee Barcelona, waxaana la isweydiinayaa sababta wiilkan yar ee carruurta ah loogu yeedhay inuu ka mid noqdo tababarka ay kooxdu ugu diyaar-garoobayso Real Madrid.

Eder Aller oo ah goolhaye ayaa la arkayay isaga oo tababarka la qaadanaya goolhaye Marc-Andre Ter Stegen oo 19 ciyaarood oo horyalaka LaLiga ah aan xilli ciyaareedkan wax gool ah laga dhalin.

Eder Aller ayaa Barcelona kusoo biiray sannadkii 2021, waxaana aabbihii oo dhowaan saxaafadda la hadlay uu sheegay in uu yahay madaale noloshiisu noqotay kubadda cagta oo maalintii oo dhan ku jira tababar.

Si kastaba, Xavi Hernandez ayaan Eder Aller kusoo darin liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Real Madrid ee habeen dambe, waxaana kaliya uu ku koobnaa tababarkii maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*