Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

Chelsea iskamay dhiibin wali saxeexa khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez inay bishan January xilli horraantii bisha dalabaad laga soo diiday. (Record – in Portuguese)

Chelsea ayay macquul tahay inay dalab ka wanaagsan midkii hore ee laga soo diiday ka gudbiso khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo xilli Seagulls bedelkiisa raadinayaan. (Guardian)

Barcelona khadkeeda dhexe ee Franck Kessie oo Chelsea lala xidhiidhinayay ayaa xilli ciyaareedka ku dhammaysan doona kooxdiisa. (Football.London)

Chelsea ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhiganaysa daafaca midig ee Lyon ee Malo Gusto xilli lacagta uu mulkiile dhawr bilod suuqa ku galiyay kusii dhawaanayso £500m. (Telegraph – subscription required)

Newcastle United ayaa bedelka Chris Wood oo Nottingham kaga biiray u dooran karta da’yarka Everton ee Anthony Gordon. (Talksport)

Brighton ayaa kor u qaadaysa xiisaheeda daafaca 20-ka Milyan ee pound lagu qiimeeyo ee Shakhtar Mykola Matviyenko. (Telegraph – subscription required)

Lazio tababaraheeda Maurizio Sarri ayay isha ku hayaan kooxaha West Ham amaba Tottenham haddii ay caydhiyaan Antonio Conte ama David Moyes. (Ilmessaggero – subscription required)

Manchester United ayaa wadahadal xagaagii hore la yeelatay Antoine Griezmann kahor intii uusan heshiis rasmi ah ugu wareegin Atletico Madrid. (Sky Sports)

Barcelona ayaa xiisaynaysa inay bilaash kula saxeexato Marco Asensio oo heshiiskiisa Real Madrid xagaaga dhacayo. (Sport)

Steven Gerrard ayaa waayay shaqada xulka Poland iyagoo xidhiidhka kubadda cagta dalkaasi ku dhaw inay magacaabaan tababarihii Portugal ee Fernando Santos. (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*